Usama Bin Laden Afartii Sanaba Mar Ayuu Soo Noolaadaa!

-

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa todobaadkii tagay Tuwiterkiisa ku soo qoray in wili uu noolyahay Usama Bin Laden, arintaasi oo buuq ka abuurtay Mareykanka.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Robert O’Neil oo ka mid ahaa kooxda “Seal Team Six” ee sheegta in ay Usaama Dileen waxa uu qaab jees jees ah kaga hadlay qoraalka Trump. Isaga oo la hadlay CNN-ka waxa uu yiri “Malaha qofkii aan dilnay waxa uu ahaa Usaama Johnson” waxa uu sheegay in kiiska Usaama uu ka weynyahay siyaasad.

Sida uu ku doodaayo Trump maamulka Obama waxa ay ka been sheegeen dilkii Usama isaga oo Obama ku sifeeyey “Banaale”.

Sidoo Kale Aqri: Shiikh Usaama Hooyadiis Oo Markii Ugu Horeysay Saxaafadda La Hadashay+Sawirro

Olalaha doorashada Mareykanka, waa caan in ay soo noolaadaan dadkii dhintay, afartii sanaba mar Mareykanka waxaa soo noolaada dad horay u dhintay, waxaana ka mid ahaa dadka dhowr jeer soo noolaaday hogaamiyihii ururka Alqaacida shiikh Usaama Bin Laden.

Sheekadu ma ahan Trump in uu sheegaayo “run ama been”, mushkiladda waa aaminaadda siyaasadda Mareykanka taasi oo ku dhisan “laba wajiilinimo” xitaa marka ay taagantahay qadiyadaha aadka muhiimka ugu ah iyaga.

Qoraalka Trump Run iyo been tii ay noqotaba waxa ay kor u sii qaadeysaa shakiga laga qabo dowladda Mareykanka iyo madaxdeeda kuwaasi oo taagan goob runta iyo beenta ay u siman yihiin.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...