Shiinahaha Oo Digniin Bixiyey “Mareykanka Waddo Qaldan Ayuu Ku Socdaa”

-

Yang Jiechi oo ah diblomaasi sare oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in dalkiisa uu ilaashan doono danahiisa iyo madax banaanidiisa hadii Mareykanka uu isku dayo faragelin.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Yang Jiechi oo wada hadal xagga qadka taleefoonka la yeeshay la taliyaha amniga qaranka Mareykanka  Jake Sullivan ayaa u sheegay Mareykanka in uu qaatay “tallaabooyin qaldan” oo ka dhan ah danaha iyo madax banaanida Shiinaha.

Waxa uu intaasi ku daray in Shiinaha uu qaadi doono tallaabooyinkaku haboon si uu u ilaashada masaalixdiisa isaga oo yiri “hadalkeena ficil ayaan u badali doonaa”.

Diblomaasigan Shiineyska ah waxa uu tilmaamay in qadiyadda Taywaan ay tahay mid xasaasi ah oo muhiim ah marka laga hadlaayo xiriirka laba geesoodka ah ee Shiinaha iyo Mareykanka.

Yang Jiechi ayaa carrabka ku adkeeyey in ay xaaladda ay noqon doonto “mid halis ah” hadii Mareykanka uu ku adkeysto “kaarka Taywaan” oo uu ku sii socdo wadada qaldan .

Waxa uu yiri “waxa aan Mareykanka ugu baaqeynaa in uu si fiican u fahmo mowduuca,waana in uusan Mareykanka ka gudbin mabda’a ah Hal Shiine”.

Wararka U Dambeeyey

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...

Muxuu Qirtay Muxuuse Inkiray Yaasiin Fareey

WARKA: Wareysi socday wax ka badan nus saac oo si bablik ah loo shaaciyey ayuu Yaasiin Fareey kaga hadlay...

RW Israa’iil Biniit Oo Yiri Waxaan Ku Dhownahay Burbur!

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Naftaali Biniit ayaa niyad xumo ka muujiyey mustaqbalka Yahuudda,waqti dalkaasi uu wajahaayo kala qeybsanaan baahsan oo...