Shir horu dhac u ah shirka London ee dhacaya 11-ka bishan ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaasoo ay yeelan doonaan dowladda Soomaaliya iyo wadamada iyo ururada caalamiga ee taageera Soomaaliya.
Shirkan oo ka dhici doona Xarunta Xalane ayaa waxaa ka qeyb geli doona madaxda dowladda, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Mas’uuliyiin ka socota dowladda Britain.
Wararka ayaa sheegaya in shirkan uu ka heer sareeyo shirar todobaadkan ka dhacay Xarunta Xalane oo ay hor-boodayeen La Taliyeyaasha idman ee Madaxweynaha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Sigmar Gabriel uu shirka maanta dhacaya ka qeyb geli doono, kaddib markii uu shalay soo gaaray Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa lagu gaarayaa heshiisyo quseeya iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, waxaana lagu diyaarinayaa dhamaan heshiisyada lagu saxiixi lahaa shirka London.
Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa inay is faham ka gaaraan qorshayaasha lala tagayo shirka London, gaar ahaan siyaasadaha horumarineed ee muhiimadaha koowaad la siinayo sanadaha soo socda
Shirka London ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan in ka badan 50 dowladood, waxaana la filayaa in Soomaaliya loogu yabooho taageero dhaqaale.