Shirka Jabuuti..Waa Kee Qodobka Aan La Qorin Ee La isku Raacay?

La Wadaag Asxaabtaada

Ka dib maalmo ay is horfadhiyeen, gabagabada shirka waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo dadku qaar ay ku tilmaameen “wax laga xumaado”.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

“Muxuu shirkani kaga duwan yahay kuwii hore?

Waxqabadka ugu weyn ee laga filaayey shirka Jabuuti waxa uu ahaa in uu ka jawaabo su’aasha kore oo dadku isweydiiyeen markii lagu dhawaaqay in Jabuuti ay martigelineysa shir u dhaxeeya DFS iyo Somaliland.

Ka dib maalmo ay is horfadhiyeen, gabagabada shirka waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo dadku qaar ay ku tilmaameen “wax laga xumaado”.

“waxaa wax laga xumaado ah in maanta wadahadadii Soomaaliya iyo Somaliland ay wali marayaan halkii shan sano ka hor ay joogtay” ayuu yiri Cabdi kariin Xuseen Guuleed oo hadda gudoomiye ka ah xisbiga SAHAN .

Cabdi Kariin Guuleed ayaa sheegay in madaxda DF-ka ee hadda joogta aysan wax horumar ku darin wadahalada DFS iyo Somaliland.

Qodobka Kaliya ee La dhaqan Geliyo

Shirkani oo kaliya ma ahan, dhamaan shirarka aan laheyn istaraatiijiyadda siyaasadeed kuwaasi oo u dhaca siyaabo kala duwan iyo magacyo kal duwan, waxa ay ka simanyihiin qodobkan ah “in aan la fulin wixii lagu heshiiyey”.

In aan la fulinin wixii lagu heshiiyey qodobkaasi in uu yahay mid aan la qorin, waxaa u dheer waa qodobka ugu macquulsan ugunu fudud ee labada dhinac dhib la’aan u fulin karaan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada