Shirka London Maxaa loogu hadli doonaa soomaaliyana maxuu kaga dhiganyahay

-

La Taliyaha Madaxweynaha oo madax u ah Guddiga qaban qaabada iyo diyaarinta Shirka London ee dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyay shirka, isagoo warbixin ku saabsan shirka maanta ka jeediyay shir ka dhacay Hoolka weyn ee Xarunta Afisyooni.

Shirkan oo horu dhac u ah shirka London ayaa waxaa ka qeyb galay dowladda Federaalka, Qaramada Midoobey iyo Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar.

C/raxmaan Ceynte ayaa sheegay in todobaadyadii u dambeysay ay shaqadiisa aheyd diyaarinta shirka London, isagoo faah faahiyay ajandayaasha looga hadlayo shirka.

“Isbuucyadii u dambeeyay shaqadeyda waxay aheyd diyaarinta shirka London, waxaa rabaa warbixin kooban inaan dadka halkan isugu yimid ka siiyo, shirka London waxa uu ku saabsan yahay waxa aan ka fileyno, cida ka qeyb galeysa iyo qodobo kale, shirka London waa shir caalami ah oo ay ka qeyb galayaan 40 dal iyo hey’ado waa weyn”ayuu yiri C/raxmaan Ceynte.

Waxaa uu sheegay in shirka ay si wada jir u shir guddoomin doonaan dowladda marti gelineysa ee UK, Qaramada Midoobey iyo dowladda Federaalka wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in maalinta koowaad ee shirka 10 May ay dhici doonaan shirar kooban oo looga hadlayo arrimaha ganacsiga iyo maalinta xigta ee 11 bisha May oo uu dhacayo shirkii weynaa.

Mr Ceynte ayaa sheegay in shirka looga hadlayo afar ajande oo ajande walba ay saaran yihiin qodobo dhowr ah, waxaana ajandayaasha ka mid ah Amniga, Siyaasada, iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ajandaha Amniga muhiimadiisa yahay sidii shirka London loola tagi lahaa heshiis siyaasadeed oo dhinaca Amniga ah, kaasoo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, waxaa uu xusay in diirada lagu saarayo qorshaha Amniga ee la isla gaaray, isagoo xusay in arrinta Amniga ee dhismaha ciidamada ay markii dambe qeyla dhaan ka timid, balse Baarlamaanka uu soo jeediyay in wax laga bedelo, hadana ay hayaan nuxurkiisa.

Shirarka loogu gogol xaarayo shirka London ayaa maalmahan ka socda magaalada Muqdisho, waxaana hor-boodaya La Taliyeyaasha idman ee Madaxweynaha dhinacyada siyaasada iyo Amniga C/raxmaan Ceynte iyo Xuseen Macalin, waxaa loo arkaa inay yihiin kuwo xilligan ka awood badan Wasiirada, maadaama shirka diyaarintiisa iyo ajandayaasha lala aadayo ay gacanta ku hayaan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...