SAYNISShirkad Mareykanka Ah Oo Ku Baaqday In Nukliyeer Lagu...

Shirkad Mareykanka Ah Oo Ku Baaqday In Nukliyeer Lagu Qarxiyo..

-

Madaxa shirkadda Cir-bixinta ee Space-X ninka lagu magacaabo ELon Musk ayaa dood ka dhax abuuray baraha bulshada ku wada xiriirto.


Xaqiiqonews-Xiddigiska

Elon Musk ayaa dood abuuray , ka dib markii uu boggiisa Tuwiterka ku soo qoray laba eray oo kaliya “Nuke Mars!” oo uu ula jeedo “in la qarxiyo Mars!”.

Fikraddani ma ahan mid cusub, ninkani Musk ah horay ayuu miiska u soo saaray fikradda ah in la isticmaalo “Qarax Nukliyeer ah”(thermonuclear weapons) si dib loogu qaabeeyo cirifyada meeraha Mars, taasi oo -sida uu ku doodaayo- gogoldhig ah u ah nolasha aadanaha ee mustaqbalka la rajeynaayo in laga hergiliyo oogada sare ee Mars.

Sidoo Kale AqrisoNasa-oo-baahisay-sawiradda-qoys-ku-nool-meeraha-Mars

Fikraddan ayaa ah in hawada meeraha Mars lagu sii daayo noocyo badan oo ah hawada loo yaqaan “Kaarboon labo oksiidh” (Carbon diooxide) taasi oo keeneysa in ay isbadasho cimilada meeraha Mars , oo hawadu ay noqoto mid kulul oo biyaha ka ilaalisa in ay baraf noqdaan.

Hase yeeshee Bruce Jakowski oo ka tirsan jaamacadda Koloraado ee Mareykanka waxa uu leeyahay “Ma jirto Kaarboon ku filan oo laga heli Mars si hawada loo badalo, sidaa darteed suuragal ma ahan in wax laga badalo qaabka uu yahay Mars, iyada oo la isticmaalaayo tiknooljiyadda hadda jirta”

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...