Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Oo ka Hirgelisay Muqdisho Arin Caan ay ku yihiin Shirkadaha Gaalada Reer Yurub#maxey sameysay

-

Adeegga E-commerce oo ah midkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga hirgaliyo Soomaaliya ayaa u suuragalinaya dadweynaha Soomaaliyeed in ay si fudud uga iibsadaan adeegyada shirkadda Hormuud website-ka shirkadda.

Muxiyadiin Xasan Cosobow madaxa suuqgeynta iyo xiriirka dadweynaha ee shirkadda Hormuud oo ka hadlay munaasabada daahfurka adeegga E-commerce ayaa tilmaamay in adeegan E-commerce uu sahli doono haqabtirka baahiyaha macaamiisha shirkadda.

“E- COMERCE wuxuu macaamiisha u suuro gelinayaa in ay adeegyada shirkadda iibsadaan iyagoo jiifa, ama ganacsigooda ku jira.

Sidoo kale Shirkadda Hormuud ayaa ballan qaaday in dhowaan la daah furi doono adeegga Kayd oo u suurtaglinaya macaamiisha shirkadda in nambarrada ugu keygsan simcard-kooda ay ku xafidan karaan addeeggan iyaga oo xogtaasi heli kara mar waliba xitaa hadii uu ka lumo sim card-ku.

Marti sharaftii kasoo qeybgashay munaasabada daahfurka adeegga E-commerce iyo Kayd ayaa bogaadiyay horumarka shirkadda Hormuud ay ka sameysay adeegyada ay u heyso bulshada, iyaga oo ku booriyay in ay horay usii wado dadaalka ay ku dardarglineyso adeegyada shirkadda.

Adeegyadan cusub ee ay maanta soo bandhigtay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa qeyb ka ah tiro adeegyo ah oo ay shirkaddu uga gol leedahay hormarinta hanaanka adeeg ee shirkadda iyo haqabtirka baahida bulshada ay u adeegsato.
Adeegga E-commerce ayaa caan ka ah wadamada reer Yurub iyagoo dadka ay ay wax ku iibsadaana adeeggan iyagoo guryahooda jooga.

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...