Shirkadda Ameerikaanka ah ee Microsoft ayaa dhawaan baahisay laba luuqadood oo ay ku dartay liiska ablikeeshinkeeda.
XAQIIQO NEWS-TIKNOOLAJI
Shirkadda Microsoft oo caan ku ah ablikeeshinka kombuyuutarrada ee Windows ayaa dhawaan shaacisay laba luuqadood oo ay ku dartay liiska ablikeeshinkeeda gaar ahaan abka Microsoft Translator.
Labada luuqadood ee lagu daray tarjumaha Microsoft ayaa waxa ay kala yihiin Af-soomaali iyo af- zulu.
Shirkadda ayaa sheegtay in labadan af ee afrika looga hadla ay yihiin kuwa ay ku hadlaan dad tiro badan, iyaga oo xusay in af-soomaaligu ay ku hadlaan dad dhan 21 milyan oo qof oo ku nool geeska afrika, halka afka Zuuluuga ay ku hadlaan dad dhan 12 milyan oo qof oo ku nool Koonfurta Afrika.