Tahriibayaasha Soomaalida kama qarsoona isbadalka cusub ee aqalka cad ka dhacay, laakiin waxaa ka qarsoon farqiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Doorashooyinka Mareykanka.
XAQIIQO NEWS- FIKRDAHA
kama tacsiyeynaayi guul darrada Shiikh Trump!, mana hambaleynaayi guusha Biden, kaliya waxaan rabaa in aan fikirkeyga ka dhiibta isbadal cusub ee aqalka cad ku yimid, iyo sida Soomaalida uu saameyn karo.
Uma baahnin hadalo badan waxaan isku dayaa in isbadalka cusub aann ka eego labo dhinac oo Soomaalid aad u saameyneysa:
Dhinaca Soo Galootiga
Guusha Biden waxa ay ka dhigan tahay waxaa uu isbadal ku imaan doonaa dhibaatooyinkii ka taagnaa “muhaajiriinta”, Joe Biden waxa uu horay u sheegay in uu xayiraadda ka qaadi doono wadamadii xayiraadda uu saaray Trump ee Soomaaliya ka mid aheyd.
Dhinacaas waxaa dhici karta in Soomaalida “nolol raadiska” ay dareemaan nafis, hase ahaatee waxaa jira arin intaaba ka muhiimsan oo u baahan in aan “afar indhood ku fiirino'” ka soomaali ahaan.
Ma jiro isbadal Istraatiijiyadeed
Aqoonyahanka masriga ah Maxamed Muniir waxa uu leeyahay “Madaxweynaha Mareykanka kaliya waxaa uu matalaa siyaasadda Mareykanka laakiin isaga ma sameeyo siyaasadda”.
Waa suuragal madaxweynaha in uu ka qeyb qaato siysaadda, hase yeeshee waxa aan ugu yeeri karno haya’daha milkiilayaasha Mareykanka sida Koongareeska, Golaha odayaasha, iyo hayadaha lagu magacaabo loobinka (Lobbying organizations), ayaa gacanta ku haaya siyaasadda Mareykanka.
Shaqada ugu Horeysa ee Biden Uu qabanaayo
Waxqabadka koowaad ee Biden laga sugaayo ma ahan in uu Soomaalida fiisa raadiska ah u soo diro diyaarado Mareykanka lagu geeyo, mana filaayo in uu xoogga saari doono sidii uu u cambaareyn lahaa gafkii uu Trump u geystay Soomaaliya.
Biden Shaqada ugu horeysa ee laga filaayo waa in uu sumcad hagaajiyaa muuqaalka Mareykanka ee uu horay ugu dheelay Trump., sidaa darteed Soomaalida xalka arimahooda ka sugeysa aqalka cad waa “doqomo”, aduunka waxa laga jecelyahay qofka xoogga leh, noqo qof xoog leh hana isku dhiibin dhibaatooyinka noolasha.