Sidan Ayaad Ku Sameysan Kartaa Drone Kuu Gaar ah “Qaabka Ugu Sahlan”#Baro

La Wadaag Asxaabtaada

Sep 2017-dii waxa aad xaqiiqonews ka daawateen muuqaalkii ugu horeeyey oo ku saabsan diyaarad drone ah gaar ahaan nooca fudud ee loo yaqaan “Quadcopter), Qoraalkan soo socda waxaa uu qeyb ka yahay qoraalo ku iftiimin doono barashada Sameynta drones-ka.

Xaqiiqonews- Isbar, Farsamada

Waxaan Magacyadooda ku maqalnaa Wararka balse waligaa ma ku fikirtay “Sidee Loo Sameeyaa Drone !?

“Drone waa qalab biiba kaasi oo aysan dadka kori karin “Unmanned Areal vehicle”  sidaa darteed qofka hagaha ah “pilot” waxaa uu ka hagayaa meel fog  waxaa uuna isticmaalayaa qalabka loo yaqaan”Remote control”.

Noocyada Drones-ka.

Drones-ka  ma ahan oo kaliya ugaarsadayaasha wax lagu dilo ee Mareykanka Isticmaalo, ee loo yaqaan “Predators” ama Orlan-10-ka Ruushka, waxaa jira noocyo kale kuwaasi oo ay ka mid yihiin kuwa loo isticmaalo muuqaalada xagga cirka Sida “Quadcopter”,Tricopter”  Hexacopter iyo kuwa kal oo badan.

Maanta waxa aan si gaar ah u lafa guri doonaa nooc gaar ah, gaar ahaan quadcopter oo aniga aan si gaar ah u bartay qalabka ay ka sameysan tahay, waxana isku dayi doonaa in aan tusaale idinka siiyo qalabkii aan aniga isticmaalay, iyo meelaha laga heli karo, si qoraalkeykani bilow uu ugu noqdo qoraalo badan oo aan jecelahay in ay kaa caawin doonaan in aad adiga sameysato mid gaar ah ama aad u sameyso caruurtaada.

Qalabka asaasiga ee ay ka sameysan tahay Quadcopter drone waa 1.Jirka Diyaarada(Body frame) 2.”Afar Mator,  Afar mirwaxad, 3. Aqbale(Receiver),  4.Gudbiye(Transmiter) , waxaana kula talin lahaa dadka bilowga ah ee aan awoodin in qalabkan ay sameystaan ama si kale u helaan in ay ka soo iibsadaan Website-kan Halkan ka iibso Qalabka

1. Jirka (Body Frame)

Marka koowaad inta aadan bilaabin wax walbo, waa in aad ka fakirtaa muuqaalka ay qaadan doonto Diyaaradaada,  taasi oo ku xirnaan doonto shaqada ay tahay in aad ku qabsan doonto, aniga waxaan aan doortay nooca hortaada yaala,  sababta aan u doortay waxa ay tahay waa mid fudud.

Waxaana aan ka soo baxsaday xashka farinjeerada, waxaadna ka heli kartaa goobaha lagu iibiyo  Electronics-ka ama hadii aadan awoodin ka soo iibso Body Diyaarsan Halkan.

2.Matoorada

Matoorka waxa aan ku micnen karnaa waa kan mas,uulka ka ah in ay dhaqaaqdo diyaaradda,  nooca matoorka ee loo isticaalo aaladaha noocan ah waa Dc motors, .

Hadii Dc motor-ka uu helo awood dhaqaajisa sida bitiri ama Shidaal waxaa uu sameeyaa wareeg.

3.Mirwaxadda

wareegista uu sameeynaayo matoorka oo kaliya kuma filna in ay biibto diyaaradda, sidaa darteed marka uu wareegto matoorka waxaa iyana wareegta mirwaxad kor u qaadeyso dhamaan qalabka isku xiran, waxaa jiro xeerar ama qaacidooyin physics ah kuwaasi oo  mirwaxadda duuliya, waxaana ku faafaahin doonaa qoraalada xigga.

4.Aqbale(Reciever)

Waxaa uu ka dhigan yahay wadnaha diyaaradda, waxaa ku xiran dhamaan fiilooyinka matoorada kiciya, sidoo kale waxaa uu la shaqeeyaa Gudbiyaha oo ku jira gacanta hagaha(polite-ka), halka aqbalahana uu dhax jiifo uurka diyaaradda.

5.Gudbiye(Transmitter)

Waxa uu diraa fariimo(signals)  waana kan laga hago diyaaradda waxaa uuna leeyahay antena la shaqeysa aqbalaha waxaana jira xeerar u gaar ah taasi oo aan ku faafaahin doono muuqaalada xigga hadii eebe idmo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada