Sidan Ayey Israa’iil Uga Hadashay Weerarkii Koongareeska

-

La filan waa ayey ku noqotay meelo badan oo dunida ka mid ah, falkii ay taageerayaasha Trump ka sameeyeeen Dhismaha Kabitolka xitaa waxaa arintaa ay la yaab ku noqtay saaxibada Mareykanka oo Israa’iil ay ugu horeyso


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Sidee Dunida U Aragtay Weerarkii Kongareeska?

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa shaaca ka qaatay sida ay uga xanaaqsantahay weerarkii Kabitolka iyadoo wixii halkaasi ka dhacay dusha ka saartay Trump kuna eedeysay in uu qiran waayey guuldarradii ka soo gaartay doorashooyinka.

Markel ayaa taageerayaasha Trump ku sifeysay “qaswadayaal”.

Dhanka kale Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel macron ayaa sheegay in Faransiiska uu taageero hoo iyo hiilba ah la garab taagan yahay shacabka Mareykanka isagoo sidoo kale sheegay in ay taageerayaan dad walbo oo si xor ah hogaankooda u soo doorta.

Wasiiradda arimaha gudaha Biritan Priti Patel, ayaa carabka ku dhafatay in war xuma tashiilka Trump ay sabab u aheyd wixii ka dhacay dhismaha Kabitoolka iyada oo intaasi ku dartay wixii dhacay in ay adagtahay in hadal lagu sheego.

Sidoo Kale Aqri: Qarixii Nashville..Trump Miyuu Go’aansaday Inuu Ameerika Dab Qabadsiiyo?

Dhankeeda Wasaaradda arimaha dibadda Ruushka ayaa sheegtay wixii ka dhacay Mareykanka ay yihiin arimo gudo oo iyaga u gaar ah, waxa ayna shacabka Mareykanka ugu baaqday in ay ka gudbaan marxaladda adag ee Trump-leynta.

Dhankiisa Madaxweynaha Iran Xasan Ruuxaani ayaa dhacdadii Kabitoolka ku sharxay mid muujineysa taag darradi dimuqoraadiyadda Mareykanka.

Shiinaha Ayaa dhacdadan uga faa’ideystay in uu isbarbardhig ku sameeyo dibadbaxyadii dimoqoraadi doonka ahaa ee Hon Kong iyo weerarkii Kabitolka iyagoo sheegay in uusan dhicin wax dhimasho ah markii dibadbaxaayashii Hong kong ay qabsadeen dhismihii golaha barlamaanka ee Hong Kong.

Madaxweynaha Israa’iil oo sida la sheegay shoog ka qaaday weerarkii Kabitolka ayaa ka dalbaday shacabkka Israa’iil in ay ilaashadaan dimoqoraadiyadooda.

“Sawiradda Laga soo qaadaayo dhismaha Kabitol waa kuwa lala fajaco, waxa ay noo caddeyneysaa xitaa hadii dimoqoraadiyadda ay xoog badan tahay in aan la isku haleyn karin” ayuu yiri Rivlin.

Taageerayaasha Trump ayaa weerar ku qaaday dhismaha Kabitol Hill xilli lagu waday in golaha kongareeska ay ansixiyaan guusha madaxtinimada Biden.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...