Sidan Ayey Isra’iil Uga Hadashay Qaraxyadii Beyruut

Xilli Lebnaaniyiinta ay la dhiig baxayaan dhaawacyada qaraxyadii Beyruut ee Taladadii la soo dhaafay dhacay, ciidanka Israa’iil ayaa ku ka hadlay sida ay u arkaan qaraxyadii Beyruut.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Wargeyska cibraaniga ah ee “Haaretz” oo soo xiganaya mu’sasada ciidanka Israa’iil ayaa qaraxyadii caasimadda Beyruut ka dhacay ku tilmaamay kuwo hoos u dhigeysa awooddii Xisbulaah ay iskaga caabin laheyd yahuudda.

Wargeyska ayaa sheegay in ciidanka Israa’iil ay sameeyeen sahmin ku aadan arintaasi, iyagaa oo sameeyey dhaqaaq dhinaca jabhadda waqooyi ee xaduudda, lamana asysan kulmin wax iska caabin ah oo ka dhan ah qorshaha ciidanka sida wargeyska soo xigtay.

7 xagal ka daawo qaabkii uu u dhacay qaraxii Beyruut

caasimadda Lebnaan Beyruut ayaa galabtii talaadada martigelisay qarax aad u weyn kaas oo magaalada u badalay “habeen mugdi ah”, inta la ogyahay ilaa hadda waxaa geeriyooday 137, dhaawacana waxa uu sii marayaa ilaa 5 kun oo qof.

Dowladda Lebnaan ayaa arbacada iclaamisay baroor diiq seddex maalin, waxaana dalka la geliyey xaalad deg deg ah muddo labo todobaad ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA