Sidan ayuu Ibnu Teymiya U daawaday Muuqaal Live ah#Dhacdo Cajiib ah

-

Waqti ay adkeyd in uu ku firo qof xiligaa nool, daawashada Tv ama shaashadaha tabiya muuqaalada tooska ah, ayaa sheikh Ibnu Teymiya waxaa uu ka shakeeyey muuqaal Toos ah oo uu daawaday, faafahinta sheekadani oo mid cajiib ah ka aqri qeybta hoose.

Xaqiiqonews-Technology

Waxaa uu noolaa qarnigii lixaad ee hijriyada, waxa uuuna ahaa sheikh ay ku kalsoon yihiin dadka xilligaasi noolaa, gaar ahaan marka ay sheekada timaato Jinga iwm, waxaa uu ahaa nin meel cad iska taagay, waxaa uuna qoraalo badan uu ku weeraray Suufida iyo dadka la halmaala ee caanka ku ahaa la saaxibnimada Jinga.

Sheekadani soo socota ma ahan mid alifaad ah, waa qiso ku qoran kitaabka fataawaadka ee ibnu teymiya ee lagu magacaabo “majmuucul fataawaa”, waxaa uuna sheikha kaga sheegeynayaa sheeko dood ah oo dhaxmartay isaga iyo jinga.

Waxaa  ka mid ahaa qisadiisa “waxaa ii yimid Jin, waxaana kala dooday arimo badan, oo ay ka mid ah ogaanshaha Cilmul qeybka oo inta badan jinga la sheeko in ay wax ka ogyihiin”.

Sheikha waxaa Qoraalkiisa uu ku sheegay in uu su,aal weydiyey Jinga oo aheyd “Muslim miyaa tihiin mise Gaal” jingii ayaa ku jawaabay “waxaan nahay muslimiin” sheikhii ayaa isaga oo arinkaasi ka faa,ideysanayaa waxaa uu yiri “Jiniyow hadiiba muslimiin tihiin maxaad u sheegtaan in aad ogtihiin Cilmul qeybka” Jingii ayaa yiri “Sheekhow  annaga Cilmu qeyb ma sheekano laakin waxa aan isticmaalnaa qalab noo fududeynaya oo aan ku helnay aqoonta aan idinka horeyno hadii aan Jinni nahay”

Waxaa qoraalkiisa ka mid ahaa “Jingjj si aan u aamino waxaa ay i tuseen Dhalo(haa ereyga dhalo ayuu isticmaalay) , dhaladaas ayaana iga tuseen muuqaalka Basra iyo Kuufa oo Toos ah iyo dad wadooyinka socda !.

Ibnu teymiya ayaa ku caddeeyey Kitaabkiisa in uu Jinga uusan aheyn mid iska sheegta Cilmiga maqan, balse ay tahay Horumar u suurtageliyey in ay ogaadaan wax ka fog.

Marka aad si dhab ah u eegto ereyga ibnu teymiya sheegay ee ah “Dhalo ayey iga tussen muuqaal toos ah” waxaa niyadaada ku soo dhacaya muuqalada tooska ah ee maanta aan kala socono dhalooyinka (shaashadaha).

Waa sheeko runtii aad u xiiso badan islamarkaana raad ku leh dadka daneeya Cilmiga tiknoolajiyadda,   waxaana sheekadami ay sii xoojineysaa arigtida aadamiga waqtigan casriga ah ee tilmaameysa in ay jiraan noolayaal naga horumarsan.

Allaha u naxriista Ibnu Teymiyaha.. ma uusan naga hilmaamin in uu noo qoro qibradiisa oo runtii hadii la heli lahaa dad si habsami leh ugu fikira noo suurta gelin laheyd in aan sameyno Tv-yo ka hor Rer Galbeedka inta aysan naga dhiganin suuq ay u iibgeeyaan hal abuuradooda jinniga laga soo guuriyey

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...