Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa meesha ka saaray walaaca maxaliga ah ee “waqti kororsiga”.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Xilli uu ka qeyb galaayey shir khadka online-ka ay ku yeesheen golaha wasiirada, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa meesha ka saaray walaaca maxaliga ah ee “waqti kororsiga”.
“In doorasho inta badan la isla oggolyahay dalka ka dhacdo ayaa wax walba inooga muhiimsan xillagan, si aan u ilaalino xasilloonida siyaasadeed ee dalka” ayuu Yiri Kheyre.
Ra’iisal Wasaare oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” Qabsoomidda doorasho waa sida kaliya ee aan ku hubin karno in ay waaraan wixii aan soo qabannay,” .
Sidoo Kale Aqri..Maxaadan Ogeyn Oo Ku Jiray Khudbadda kheyre?
Kheyre oo dareensan xiriir ka dhaxeeya “amniga iyo doorashada” ayaa hadalkiisa ku daray “Doodda ah in dalkaan Afar sano ee kasta ay doorsho la isla oggolyahay ka dhacdo, nuuceey rabto ha ahaatee, waa tan sharciyadda na siisay, sidaas darteed waa inaan ilaalinnaa”.
Siyaasiyiinta iyo ururada Mucaaradka ah ayaa horay uga digay in dalka uu galo “xaalad kacdoon” taasi oo ka dhalan karta-sida ay sheegeen– isku day walbo oo muddo kororsi oo ay sameeyaan madaxda Df-ka.