Sidan Ayuu Shaahaa U Galaa Maskaxda Dadka

La Wadaag Asxaabtaada

Daraasad ayaa shaaca ka qaatay in shaaha faa’idadiisa aysan aheyn oo kaliya in aan ka helno “tamar” sidoo kale shaaha ayaa faa’ido u leh caqliga.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Sida ay qortay jariidada “The Independent” ee ka soo baxda Britain, daraasad ay sameysay Jaamacadda Umadda Singapore ayaa sheegeysa in dadka shaaha caba aya ka yara maskax firfircoonyihiin kuwa iyaga aanan cabin wax shaah is joogta ah.

Sidoo Kale AqriSidan Ayuu Ibna Teymiya U Daawady Muqaal Live ah!

Daaarsaddan oo sidoo kale ay ka qeyb ahaayeen jaamacdo ku yaalla Ingiriiska ayaa waxaa gabagabdii laga soo saaray in dadka caba shaaha ugu yaraan 4 mar todobaadkii, ay ka maskax firfircoonyihiin dadka aan iyagu cabin shaaha.

Shaaha oo ku yimaada noocyo badan ayaa la sheegay in faa’ido u leeyahay wadna xanuunka, miisaan dhimista iyo sidoo kale in uu ka qeyb qaato xoojinta lafaha, waxaana intaasi oo dhan ka muhiimsan shaaha waxa uu ka qeyb qaataa xoojinta difaaca jirka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada