Sidan Ayuu Xasan Aweys Uga Hadlay Dhaartii Shariif.

La Wadaag Asxaabtaada

Xasan Daahir Aweys oo beri ay shariif iskala tirsanaayeen Maxkamadaha ayaa ka hadlay hadalkii shariif ee ahaa “Dowladda ayaan la dagaalameynaa”.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Xasan Daahir Aweys ayaa Shiikh Shariif ku tilmaamay “Khiyaanoole” isagoo sheegay in uu meel cidlo ah kaga tagay Maxakamadahii.

Aweys ayaa Shariif ku eedeeyey in uu yahay “Daneyste” waxa uuna is weydiiyey su’aal ah “Xasan Shiikh Maxamuud Maxaad u Siin weysay Codka Xilligii doorashada, codkaasi waa uu ku soo bixi karay”.

Shiik Aweys oo aad ula yaaban Shariif ayaa yiri “Ninyahow Mabda’na waa dhumisay ragna waad dhumisay dadka ha qatalin”.

Sidoo Kale Aqri Shariif oo Madoobe Ku Sifeeyey Islaan Ari Raac ah!!

Hadalkani Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo aadaya maalmo ka dib markii Shiikh Shariif uu jeediyey khudbad muran dhalisay oo uu ku sheegay in ay la dagaalami doonaan dowladda oo ay Xamar ka saari doonaan hadii sharciga la dumiyo-waa sida uu hadalka u dhigaye.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada