Wafdi ka koobnaa lix sirkaal oo ka tirsan Ciidanka Itoobiya ee lagu wareejinaayo Kismaayo ayaa Kulan la qaatay hogaamiyaha Waqtigiisa sii dhamanaaya ee Jubbland Axmed Madoobe.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Wafdigan oo horey usoo maray magaalada Muqdisho, ayaa maamulka Jubaland kala hadlay xiriirka xumaaday ee dowladda iyo doorashada madaxweynaha ee dhowaan ka dhaceysa Kismaayo.
Sidoo kale aqriso:Abiy-Ahmed-oo-wacad-ku-maray-in-Axmed-madoobe-uu-soo-laaban-doonin.
Sida xogta ay sheegeyso , wafdiga ayaa madaxweyne Axmed Madoobe ku canaantay habdhaqanka kali-talisnimada ku dhisan, iyagoo dalbaday in DF-ka ay goojooge ka noqoto doorashooyinka.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa wajahaya cadaadis heer gobol ah ka dib markii dhawaan Kismaayo loogu dhawaaqay labo gole barlamaan oo kala duwan.