Sidee ayaad U Sameyn kartaa Qaanso Robaad Gacan ku Sameys ah#school Science

La Wadaag Asxaabtaada

todabaadkan dhaxdiisa waxaan sameeyey ilaa dhowr qaab oo suurtgal ay tahay in aad ku sameyn karo qaanso roobaad gacan ku sameys ah.

waxaan ku aragnaa cirka xiliyada roobabka ay jiraan balse ma is weydiisay qaabkee ayey ku sameynsantaa qaanso robaadka.

qaanso robaadka aan aragno waxaa sababo marka falaaraha qoraxda ay ku duldhacaan dhibcaha biyaha ee roobka waxa ay biyaha sameeyaan iftiin noqod sababa in cirka aan ku aragno walax goobo oo kale ah kuwaasi oo leh midib sameeyaal{pigments}.

hadaba waxqabadkan marka aad dhameysato ka dib waxaad awoodi doontaa in aad caruurtaada u sameyso qaanso robaad ama ardayda iskuulkaada aad tusto, ama hadii aad tahay arday waxaad awoodi doontaa in aad fahanto cashirada sayniska ee aad soo baratay.

Waxyaabaha aad u Baahantahay

1.Weel god leh {sida baaldi, galaas,baquli ama saxan godan}

2. miraayad {cad miraayad ah noocii ay doonto ha ahaatee}

3.sullight ama isticmaal flashlight-ka taleefoonkaada hadii habeen tahay

4-warqad cad

    Qaabka Shaqada

-kow biyo ku shub weelka aad heysato hana buuxinin weelka aniga waxaan isticmaalayaa galaaska sawirka ka muuqdo islamarkaana miraayada dhax geli biyaha sida sawirka ka muuqato

-qeybta biyaha ku jirta ee miraayada ma ahane qeybta kale ee biyaha ka baxsan ku aadi derbiga adiga oo ku aadinaya goob aad diyaarisay oo warqad cad ku aadan.

maxaad aragtaaa?
waxa aad aragtay a waa iftiin noqodka biyaha oo ka soo baxaya miraayada isla markaana ku dul dhacaya warqada cad ee derbiga saaran waxaadna aragtaa in iftiinkii soo noqday uu sameeyey midibo badan oo kala nooc nooc ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada