Sidee Faruuryaha U Weyneyn Kartaa Adiga Oo Aan Durin?

-

Daraasad la sameeyey sanadkii 2009 ayaa muujisay in dumarka leh faruuryo waaweyn ay u muuqdaan kuwa ka yar da’dooda, sidaa darteed marka la joogo dunida “is qurxinta” in la helo faruuryo waa weyn waxa ay ka mid yihiin qodobadii ugu dambeeyey ee dadka dhawaan ku baraarugeen.


XAQIIQO NEWS- ISBAR -XIRFADO KALA DUWAN

1- Faruuryaha qoy

Faruuryaha oo qoyan uma fiicna oo kaliya quruxdaada, qoyaanka waxa uu faruuryaha ka caawiyaa in ay noqdaan kuwa caafimaad leh.

Daraasad laga sameeyey waxtarka biyaha u leeyihiin maqaarka jirka oo faruuryaha ay ku jireen, waxa ay muujisay in biyuhu maqaarka iyo faruuryuhuba ay ka dhigaan kuwa buuran.

2- Faruuryaha Cadiyeey

Marka soo socoto ee dooneyso in aad ilkahaada cadiyeyso arintani xasuusnow “waa muhiim in aad cadiyeyso faruuryaha”.

Faruuryaha oo aad cadiyeyso waxa ay kaa caawineysaa in aad maqaarka dhintay iska saarto, sidoo kale cadayga faruuryaha waxa uu sababayaa in halkaasi ku bato qulqulka dhiigga, taasi oo keeni karta in faruurto noqoto mid ka weyn sida caadiga ah.

Faruurtaada oo aad cadiyeyso waxaa dhici karta in ay ku keento “xasaasiyad” ama caabuq faruurta ku imaada, sidaa darteed dhaqaatiirtu waxa ay ka digaan ficilkan waxa ayna dadka kula taliyaan taxadar gooni ah kolka faruurta la cadiyeynaayo.

3- Hawada Shumi

Hadii aad ka mid tahay dadka leh faruuryo yar, ama dad xiiseeya weyneynta faruuryaha, qodobkani wuu ku anfici karaa. Sameey jimicsiyada faruurta.

Isku day in aa sameyso sidan soo socto.

  • Wajigaada toosi adiga oo faruuryaha dhuubaya sida in aad shumineyso hawada.
  • ku dhawaad daqiiqad sidaas ku haay
  • maalin walbo sidaa sameey 6-7 daqiiqo.

Afeef: Macluumaadka halkan ku xusan waxaa loogu tala galay sababo waxbarasho oo kaliya, ma ahan talooyin caafimaad qofkii si kale u isticmaala isaga ayaa mas’uuliyadda qaadaya.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...