Sidee Heesaha Banaadiriga U Qurxiyeen Fanka Soomaaliyeed?

-

Heesaha Jaceylka, kuwa waddaniga ah iyo heesa howleedka meel walbo aad ka istaagta fanka Soomaaliyeed waxa aad ku arkeysaa abwaan reer waqooyi ah, waa sababta Hargeysa loogu naaneyso “hoyga fanka”.


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Laakiin taasi waa sawirka muuqaalka kore, marka aad gudaha u gusha fanka waxa aad arki doontaa heeso, ciyaaro iyo sugaan tiro ka badan oo ka imaaneysa gobolada kale ee Soomaaliyeed.

Tusaale aan u soo qaadano fanka “Benaadiriga ah” kaasi oo qaaraan badan ku leh sugaanta , hadii ay noqon laheyd kuwa jaceylka, dhiirigelinta iyo waddanigaba.

Hees Maseyr Tii Igu Fiicneyd

Xitaa hadii aadan wax badan ka aqoonin heestan, waxaan qiyaasayaa in aad codkeeda meel un horay uga maqashay.

Aan ku xasuusiyo “Markii meel aan aado, minankeyga waa layska soo maraa miyaa”, waxaana ku luuqeynaya fanaanadda Siteey Ma noogto iyo aweys khamiis.

Sidoo kale Aqri: 5 Hees Oo Soomaali Ah Oo Lagu Tilmaami Karo Dhiirigiliyaasha Ugu Fiican

Hadii ay noqoto in la soo tiro koobo heesaha xamaasiga ah ee banaadiriga heestani waa in ay lambar kow noqotaa.

Ha La Iigu Dhaqo Dhuubo Dhareerkeeda

Daacad markaan u hadlo, heestan waxa ay mudantahay in la aqoonsado heesta qaranka ee” mucaashiqiinta”.

Laxankeed banaadiriga ah ee soo jiidashada leh, waxaa u dheer erayada quruxda badan, waana sababta ka dhigeysa hees Jaceyl ah oo “dhameystiran”.

Dadka aan ogeyn, heestani, waxa ay keydka heesaha ee radio Muqdisho gashay todobaatameyadii, hase ahaate dadyow kala duwan ayaa marar kala duwan dib u soo cusbooneysiiyey.

“Manaan dhinto oo

Dhadhaar Fuulee oo

dharkey lay saarinee

Ha Leygu Dhaqee

Dhuubooy Dhareerkeedee

Beer Aan Falno

Sida laga yaabo in dad badan u qataan, heesaha banaadiriga ah ma ahan kuwa un ku kooban kaliya “cishqiga”.

Sida ay Soomaalida tiraahdo “Shabeelle ku roon ayaa Shiidle ku roon ” hadii ay laxanka banaadiriga ah iyo jaceylka isku soo baxayaan, luuqda banaadiriga iyo heesaha waddaniga ama dhiirigelinta ahna waxa ay isku noqonayaan “kal iyo laab”.

Waxa aan idin soo qabanayaa codka Axmed Naaji iyo heestiisii caanka aheyd ee “Beer aan falno”.

Erayada ii soo jiitay ee heesta waxaa ka mid ah:

Barkin meel la dhigtoo * La buurtoo la buraaruginee

Barqadii la kacoo * Bilaash lee la cunaa baranee

Aan is barno inaan beer falanoo * Aan ku baahi baxnee

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...