Sidee Hitler Uu U Isticmaali Lahaa Facebook?.. Waa Tan Jawaab Macquul gal ah

La Wadaag Asxaabtaada

Jilaaga reer Britain ee caanka ah Sacha Baron Cohen ayaa dhaleeceyn u jeediyey Facebook isagoo sheegay in Shirkaddani ay Hitler u ogalaan laheyd in fikradhiisa sunta ah uu ku Xayiisiisto Facebook.


Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Sacha Boran Cohen ayaa eedeyntiisa balaariyey, waxa uuna eed u jeediyey Google-ka, Tuwiterka iyo Yuutuubka isaga oo sheegay in shirkadahani balaayiin dad ah u soo gudbiyaan “Waxa aan la aqbali karin”.

Shirkadda Tuwiterka ayaa bishii Oktoobar shaacisay ay joojineyso dhammaan xayiisimihii la xariiray Siyaasadda taasi oo u muuqatay in ay kaga jawaab Celinayaan eedeeymaha iska soo daba dhacaya sida eedda Cohen oo kale.

Cohen Muxuu Ku Haystaa Facebook?

Cohen ayaa Facebook ku eedeeyey in ay faafinayaan xayiisiin walbo xitaa “kuwa maranhabaabinta” waxa uuna yiri “Facebook waxa uu kugu caawinayaa in aad dadka ka dhaadhiciso wax alle waxa aad rabto”.

Sidoo Kale Aqri Caddeymo DNA oo Sheegaya In Hitler Uu Soomaali Ahaa!

Sacha Cohen ayaa intaasi ku daray in la joogo waqtigii dib u eegis lagu sameyn lahaa “Baraha bulshada” , isagoo shaki ka muujiyey hadalkii malikiilaha Faceoob ee ahaa “Facebook waa saldhigga xoriyadda hadalka”.

Cohen Ayaa sheegay hadii Facebook jiri laheyd soddomeyada qarnigii tagay ee 2,aad in Hitler ay u ogalaan laheyd in xayiisiisto fikradihiisa sunta ah.

ugu dambeyntii Cohen ayaa yiri “Waa in aan isku raacnaa in caruurteen loo ogaalinin in wax walbo laga dhaadhiciyo iyada oo la isticmaalaayo Facebook”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada