Sidee Hoos Ugu Dhigi Kartaa Dhiig Karka Daawo La’aan?

-

Dhaqaatiir caafimaad oo ka tirsan jaamacadda “Mayo Clinic” ee ku taala Mareykanka ayaa tilmaamay hab fuddud oo qofka uu hoos uga dhigi karo dhiig karka iyada oo aan la isticmaalin daawooyinka kimikada ah.


XAQIIQO NEWS- CAAFIMAAD

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in jimcsiga watiga gaaban ee aan laheyn daalka badan uu ka qeyb qaadanaayo hoos u dhicista heerka dhiig karka-sida laga soo xigtay webseetka “Daily express”.

Dhaqaatiirta ayaa soo jeediyey in la sameeyo jimicsiga noocan si joogto ah muddo 12 daqiiqo ah, dhaqaatiirta waxay leeyihiin “jimicsiyada noocan ah waxaa loogu tala galay in ay isku soo aruuriyaan muruq gaar ah ama koox murqo ah oo cayiman, sidaa darteed qofka waa in uu hal qaab ku celceliyaa isaga oo aan isbadalin”.

Sidoo Kale Aqri: Baro..Qaabka Sokorta La Iskaga Cabiro Qalab L’aan

Dhaqaatiirta ayaa aaminsan in ay dhici karta in qofka dhiig karka qabaa aysan ka soo muuqan wax calaamad, arintaasi oo ay bahda caafimaadka ku sharxeen halis, madaama qofka oo aan ogeyn xaalkiisa ay u horseedi karto wadno xanuun halis ah.

Anna Cherepanova oo ku takhasustay cilmiga neerfaha waxa ay horay u sheegtay “dadka waxa ay iska aaminsan yihiin in goonjabka ama madax xanuunka uu tusaale u yahay dhiig karka oo kor u kacay, laakiin mar walbo sidaas ma ahan”.

Sida ay ku doodeyso dhaqtarkan: sideedaba xanuunka ku dhaca qeyb jirka ka mid ah waxa uu ka dhashay cadaadis jirka ah sidaa darteed waa sababta loo arka dhiig karka qofka oo kor u kacay

Wararka U Dambeeyey

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...

Fahad Yaasiin Oo Si Aan La Dareemin U Qirtay Dilkii Ikraan Tahliil !

WARKA: Eedeysanihii ugu weynaa ee loo heystay dilka Ikraan Tahiil Fahad Yaasiin ayaa markii ugu horeysay si bablik ah...

Shiikh Sheegay In Israa’iil Ay Jinni U Isticmaasho Basaasidda Iiraan!

Xujutul-Islaam Naqiya Buurfar oo ah wadaad diimeed ahna ustaad jaamacadeed ayaa Tilifishinka Iiiraan ka sheegay in Israa'iil ay adeegsato...

Maxaa La Sameeyaa Markii Aadan Lacag Heysan?

in aad dareento baahi lacageed waa mushkilad caalami ah waana arin caadi oo dadka oo dhan ku dhacda ugu...