Sidee Iskaga Joojin Kartaa “Wiji Ka Naxa”…..Baro Qaab Fudud

-

Dadka “Wiji ka naxa “Leh waxa ay doonayaan in ay farxad geliyaan dadka iyaga ku hareereysan, waxa ayna sameeyanayaan wax walbo oo la weydiisto- si ay u ilaaliyaan farxadaas(xitaa hadii iyaga dhib ku tahay), hase yeeshee halkani  ka aqriso sida aad iskaga joojin karto caadadan xun.

Xaqiiqonews

Qaar badan oo naga mid ah waxa ay  la tacaalayaan mushkiladda “Waji ka naxa” , hadii aad adiga ka mid tahay runtii waxa la joogaa watigii caadadan aad u aqoon laheyd “cudur Dilaa ah” , ma igu raacsan tahay?

waxa aan rabaa in sheeko qodob kaa caawin kara in aad ka takhalusto mushkiladdan, hase yeeshee ii ogolow in aan kula wadaago xog yar oo ku saabsan “Wiji ka naxa”.

dadka qaba cudurkan waxa ay doonayaan in faraxad ku abuuraan qalbiyada dadka kale,danaha dadka kale ayey ka horumariyaan nafsatooda, sababta ugu badan ee sidaasi ay u sameynayaan waxa ay tahay waxa ay raadinayaan “Aqoonsiga dadka kale”

Had iyo jeer waxa ay ka welwelayaan sida  iyaga loo arki karo,  waxa ay qasbaan qalbikooda, waxa ayna isku muujiyaan kuwa dhoola cadeynaya xitaa hadii ay caloosha ka oynayaan.

Xaqiiqdii waa dhaqan liita kaasi oo laga yaabo in uu saameyn ku yeesho caafimaadkaada, waxaana la joogaa waqtigii aad dhihi lahey “MAYA”

Wax aad leedahay “Hal nolal” nafsataada u noolow, ha u noolaan dadka kale

Halkan hoose waxaa ku qoran qodobo kaa gacan siin kara in aad iska joojiso “Waji Ka Naxa” , taasi oo ugu dambeyn ku gaarsiin karta in aad barato sida loo dhaho “MAYA” marka ay lagama maarmaan tahay in eraygaasi aad isticmaasho.

-Ogow in aad dookh leedahay

Dadka “Wiji Ka Naxa” leh waxa ay had iyo jeer ka fikiraan oo kaliya sida ay u dhihi lahaayeen “Haye”, xasuusnow in aad heysato dookh kale oo aad ku dhihi karto “MAYA”

-Dalabyada Sii Waqti Ku Filan

had iyo jeer dalab ayaa kaga yimaada dadka kugu hareereysan, waxba kuma jabna qofka oo aad u sheegto in aad u baahan tahay waqti si aad uga fikrto fulinta dalabka ama in aad iska diido.

waqtiga aad heysato uga fikir sida dalabkani kuu saameyn karo,(weydiiso qofka in uu ku siiyo waxyaabo dheeri ah oo ku saabsan dalabka) .

-Sameyso “Xaduud Waqtiyeed

hadii aad rabto in aad dadka caawiso, sameyso xaduud waqtiyeed tusaale ahaan dheh  “Waxaa la ii heli karaa oo kaliya inta u dhaxeysa 10:00 am ilaa 12:00 pm

-Baro dadka kugu Ciyaaraya

Mararka qaar dadku waxa ay rabaan in ay kaa faa’idaan oo kaliya, sidaa darteed waa muhiim in aad la socoto dadka doonaya in ay kugu ciyaaraan.

Inta badan dadka kugu ciyaaraya waxa ay isticmaalaan weerooyinkan oo kale “Alla maxaad ku fiican tahay howshan…Sidaa ii yeel aniga” waxaa kale oo inta badan ay isticmaalaan oraahdan “ma jiro qof kaga fiican shaqadan”

-Ha Bixinin cudurdaar

ha isku dayin in aad difaacdo oo aad sharaxaad ka bixiso sababta aad u dhahday “MAYA” maxaa yeelay qofka waxa uu ogaan doonaa sababaha aad u dhahday “Maya”

Dr Susan oo shahaadada ugu sarreysa ka heysta cilmiga Nafta, waxa ay leedahay “isla marka qof uu sharaxaad bixiyo, qofka kale waxa ay tusi kartaa meelaha banaan ee lga soo gali karo waxaana laga yaabaa in uu ku dhaho “jadwalkaada wax waad ka badali kartaa” , “Dib ayaad ka sameyn kartaa” ama “sidaasi ulama jeedo”

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu ogaaday in indhahu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...