Sidee Ku Noqon Kartaa Hantiile Wax ka yar Sanad

-

Ma jirto waxyaabo sir ah oo qofku uu sameeyo si uu u noqdo “hantiile”, laakiin waxaa jira waxyaabo kala duwan oo ay dadku sameeyaan kuwaasi oo ka caawiye in ay qaataan naaneysta ah “Hantiile”


Xaqiiqonews-Horumarinta Nafta

Farqiga kaliya ee u dhaxeeya dadka saboolka iyo kuwa hantiilayaasha ah waa “sida ay watigooda uga faa’ideystaan”


Robert Kiyosaki

Waxa ay ila tahay in aad ogtahay xaqiiqda ah in uusan jirin qaab dag dag ah oo ku heli karto lacag tiro badan, hadii ay jirto dhamaanteen ayaa sameyn laheyn.

Qoraalkani waxa aan idinkugu soo gudbin doonaa ilaa seddex qodob kuwaasi oo kugu gacan siin kara in noqoto “hantiile” ,ogowna waqti ayey kaga baahanyihiin

-Maalgili Lacagta

Waxaa jira buug ciwaankiisu yahay “Milyeernimada albaabka ku dhagan ayey joogtaa”, qodobka ugu weyn ee bugaasi uu ku celceliyey waxa ay aheyd sameyso “keyd”, buugga ayaa sheegay in dadka ugu badan ee lacago badan sameyn kara ay yihiin dadka mishaarkooda yaryahay sida macalimiinta, dadka ganacsiyada yaryar leh iwm.

Sidoo Kale Aqri..Sidee U Heli Kartaa Wax Walbo Oo Aad U Baahantahay?

Hadii aad leedahay “Keyd”, waxa lagaaga baahanyahay oo kaliya waxa ay tahay in aad sameyso “maalgilin”

In aad noqoto maagilye fiican macnaheedu ma ahan in aad u baahantahay lacag badan, kaliya adiga oo isticmaalaya qaab xikmadeysan waxa aad maagilin kartaa lacagta ugu yar.

-Lacagta ha u jilcin

lacagtaada ugu fataal sida dadka hantiilayaasha ah, ku soo iibso wax walbo oo niyadaadu u baahantahay, dadka kale wax ka sii sida dadka baahan, taasina waa qaab fudud oo maskaxdaadu aad uga dhaadhicin karto in aad tahay “Lcaglow”.

Qur’aanka kariimka ah waxa uu leeyahay :


قُلْ إِنَّ رَبِّي يَبْسُطُ الرِّزْقَ لِمَن يَشَاءُ مِنْ عِبَادِهِ وَيَقْدِرُ لَهُ ۚ وَمَا أَنفَقْتُم مِّن شَيْءٍ فَهُوَ يُخْلِفُهُ ۖ وَهُوَ خَيْرُ الرَّازِقِينَ (

Waxaad ku dhahdaa (maxamdow) “Rabbikeyga waa kan risqiga u badiya ciddii uu doono, wax alle wixii aad bixisaana ilaah ayaa idin so celinaya”

-Sameyso Dakhli Kharsoon

Marka aan ku leeyahay Dakhli kharsoon kama wado in aad leedahay meelo godod oo dadku aysan ogeyn oo aad kala soo baxeyso lacag.

Way iska fudadahay howsha kaliya baro “gorgortanka” iyo qaab dadka iyo shirkadaha loo weydiisto in ay qiimo dhimis kuu sameeyaan.

Tusaale hadii dhar aad soo iibsaneysay ay kaga soo harto 3 doolar , lacagtaasi waxaa loo aqoonsan karaa “dakhli kharsoon”, kaliya waxa aad u baahantahay in aad noqoto geesi si toos ah u isticmaali kara erayadan “Waxaan ahay macmiilkaada lacag yarna in kaga tago ma rabo, marka qiimaha wax iga dhin”.

hadii lacagahaada dakhliga kharsoon aad u sameyso keyd gaar ah, waa hubaal in waqti ka dib ay isku badali karaan lacag tiro leh, oo wax badan goyn karta.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...