Sidee Lacag Looga Sameeya Internet? Baro Qaabab Fudud

Qof walbo oo nag mid ah waxaa uu lacag ka sameyn karaa Internet-ka, Waa hadii uu aaminsan yahay in Internet-ka uu yahay mid ka mid ah ilaha Dhaqaale ee qof yeelan karo.

Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Waxaa jiro habab badan oo lacag aad uga sameyn kartto Internet-ka, waxaana halkan hoose aan idinku soo gudbineyna qaar ka mid ah qaababka aad si fudud lacag ugu sameyn karto Internet-ka.

  1. In aad Sameyato website :  xitaa hadii aadan awoodin lacag aad ku sameysato bar adiga kuu gaar ah, waxaa aad si bilaash ah u sameynsan kartaa baro hoosaad(sub domains), intaasi ka dib waxa aad ciwaan ka furan kartaa barnaamijka xayiisiinta google-ka ee loo yaqaan “Google Adsence”,dabadeed waxaa aad website-kaada ku xiri doontaa ciwaankaada Adsence-ka.
  2. in aad Sameysato Janaal Youtube-ka Ah:  hadii aad youtube-ka ku leedahay janaal daawashadiisa ay badan tahay, waad sameyn kartaa lacag, waa hadii uu kuu furan yahay ciwaanka “Google Adsence”, isla markaana janaalkaada uu ka soo baxay shuruudaha Yuutuubka u dagan.
  3. In Aad Sameyso Ablikeeshinada Ciyaaraha(Games): ma tahay arday/qof leh aqoon yar oo ku saabsan sida loo sameeyo ablikeeshinada hadii aad  leedahay takhasuska noocaas ah, Fikir Labo jeer,  waxaa la joogaa waqtigii aad arki laheyd suuqa furan ee tartankiisu yahay xirfad, waxaad heystaa fursad aad lacag ku sameyn karto adiga oo aan gurigaada dhinacna uga bixin.
  4. Facebook- hadii aadan laheyn ama aysan ku fududeyn in aad sameyso website adiga kuu gaar ah waxaa aad lacag ka sameyn kartaa facebook-ga , arintaasi oo ah in aad xiriir la sameyso ganacsatada ama shirkadaha daneeya in ganacsigooda lagu xayiiso Online-ka , adigoo xayiisamaha ku soo bandhigi kara ciwaankaada/boggaada Facebook hadii aad leedahay bog facebook oo dad badan ku xiranyihiin.
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA