Sidee Soomaaliya Isku Badashay 10-kii Sano ee ugu Dambeysay?

-

Caruur badan ayaa la dhalay, dadka kale oo badan ayaana dhintay, Intaasi oo kaliya ma ahane waxaa isbadalay qaabka “shukaansiga” , siyaasadda iyo habka dadka ay u soo bandhigaan fikradooda,haa Baraha bulshada ayaa isbadal weyn ku leh qaabka noolasheena.


Xaqiiqonews-Wararka

Soomaliya ma sameynin wax aan ugu yeerni karno “horumar balaaran” ,taasi macnaheedu ma ahan in uusan dhicin wax isabadal,waxaa isbadalay dhinacyo badan, qaabka Siyaasadda, awoodda dhulka, habka shukaansiga, suuqyada, waxabarashada, baabuurta, waddooyinka, warbaahinta iyo meelo kale badan ayuu ka dhacay waxa loogu yeeri karo “isbadal dabiic ah”

Sanadkii 2010, Alshabaab ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ku qaaday weerar abuulan kaasi oo ay ugu magac dareen “Nihaayatul mucdadiin” hase yeeshee 2019 DF-ka ayaa weerar ku qaaday deegaanka Awdhiigle oo ka mid ah meelaha Alshabaab aad ugu xooganaayeen ” , taasina ma aheyn horumar balaaran balse waxaa lagu tilmaami karaa “isbadal dabiici ah”, waxa ayna ka mid tahay isbadalada xagga “Awoodda” ee ka hiragalay Soomaaliya.

2010 Soomaaliya Waxaa ku yiilay Jaamacado kooban, laakiin maanta waddanka waxa uu heystaa in ka badan 200 jamaacadood, arinkani oo dadka qaar ay ugu yeeraan “kacaankii waxbarashada” waxaa uu ka mid yahay isbadalada dabiiciga ah ee waddanka ka hirgalay 10-kii sano ee ugu dambeysay.

Shirkado badan ayaa sameysmay, waxaana dhacay tartanka suuqa xorta ah, mahadda waxaa iska leh “nidaamka hanti-goosadka islaamiyeysan” ee soomaaliya ay qaadatay, intaasi oo dhanna waxa ay dhaceen 10-kii sano ee ugu dambeysay.

Sidoo Kale Aqri..Sidee Soomaaliya U Muuqaan Doontaa 2050?

Nasiib darro ..Xagga wax soo saarka waddanku ma uusan ka sameynin wax isbadal ah, dhaqaalaha waddanka ayaana wali ku tiirsan gacannsiga halka cirif ee “Soo dajinta oo kaliya”, mana jiraan shirkado sameeya qalab waxtar leh gudaha Soomaaliya, ama ugu yaraan waa ay yaryihiin, sidaa darteed in la maalgeliyo ganacsiga “wax soo saarista” ayaa ah Candho wali dahan.

10-kii Sano ee ugu dambeysay gaar ahaan 5-tii sano ee la soo dhaafay soomaalida ayaa qeyb weyn ka noqday “kacaanka caalamiga ah ee baraha bulshada, tanina waxa ay qeyb weyn ka qaadatay isbadal weyn oo ku dhacay qaabka nolasha dadka 10-kii sano ee ugu dambeysay.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...