Sidee Taleefoonkaada Uga Ilaalin Kartaa In La Jabsado?

-

Ma jiro qof taleefoon sita oo “guri ka ah jabsi”, hase ahaatee waxaa jira aqoon kaa caawineysa in aad iska yareyso fursadaha lagugu jabsan karo.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Xaqiiqonews waxa ay ka soo tarjuntay webseeka Wikihow afar qaab oo aad kaga difaaci karto taleefoonkaada weerarada “haakariska(dadka wax jabsada).

1-Lambar Sireed Ku Xir Taleefonkaada

Taleefonkaada ku xiro waxyaabo adag in la qiyaaso, laakiin ogow ha noqdaan wax fudud oo la xasuusan karo.

Dhinaca kale khubarada waxa ay kugula taliyanayaan in aadan taleefonkaada ka tagin si uu iskiis isku xiro, taleefoonkaada adiga xiro mar walbo oo aad meel uga tageyso.

2- Hubso Ablikeeshinada aad soo dagsaneysid.

Ablikeeshinada kala soo dag oo kaliya Webseetyada la hubo, sida Google Store, ama play Store,ama webseet kale, hase yeeshee iska hubi in uu yahay isha saxda ah.

Sidoo Kale Aqri:Waa Kee Taleefoonka Cusub ee Dabka Ceshan Kara 50 Maalin?

3- Iska Xir Baluutuuska, Waayfaayka, Marka aadan isticmaaleynin.

Haakariska iyo taleefonkaada waxaa isku xira u ah waa “internetka”. mana jirto cid kaa xadi karto macluumaad qaab online ah hadii aadan u furin ablikeeshina sida Wifi iyo Buluutuus

4- Keyd shaqsiyadeed ha ka dhigin taleefonkaada

Sawirada iyo waxyaabaha aad ku qorto taleefonkaada waxa ay kaa bixin karaan macluumaad, sidaa darteed sawiradaada iyo macluumaadkaada xasaasiga ah ku shubo laabtoobkaada ama Computer weyn hadii u kuu yaalo.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...