Sidee U Heli Kartaa Wax Walb Oo Aad U Baahantahay?

La Wadaag Asxaabtaada

Wey fudutahay in aad ogaato waxa aad u baahantahay,laakin waa arin adag marka ay timaato sidii lagu heli lahaa, in aad hesho wixii aad rabtay wey ka adagtahay ama ka fudutahay sida aad u maleyneysay, qeybta hoose waxaa aan kaga doodi doona habab kuu sahli kara in aad hesho wixii aad rabtay.


Xaqiiqonews-Isbar-Horumarinta nafta

Mid ka mid dadka wax ku qora website-ka “Quora” ayaa la weydiiyey “sidee ku heli karaa wax walbo oo aan rabo? , waxa uu ku jawaabay ” dabcan qaabka ugu fudud ee looga jawaabi kara su’aashaasi waxa ay tahay in aan dib u qorno su’aasha oo aan ka dhigno “sidee baan ugu qalmi karaa in aan helo wax walbo aan rabo?.

Dhab ahaantii waa shaqo adag, hase yeeshee in aad hesho wax walbo oo aad u baahantahy kaliya lacag kama hadleyno,waxa aan ka hadleynaa dhinacyada kala duwan ee nolasha sida faraxad, xiriir wanaagsan, guur fiican, shaqo fiican, waad heli kartaa xitaa lacagta, kaliya waa in aad xasuusnaataa hal arin oo ah “waxa aad aaminsantahay”.

Hoos waxaa ku qoran qodobo kugu gacan siin kara safarkaada dheer ee aad ku raadineyso waxa niyadaada ku jira, waliba waxa aan kuu sameynayaa damanaad qaad , waxa aad adiga hadda raadineyso qof kale ayaa horay ugu guuleystay, iska hubi in aad fulisay dhamaan qodobada sida ay u dhan yihiin.

1#. Hadii aad aaminsantahy waad gaari kartaa

Midabka maqaarka jirkaaga muhiim ah, muhiim ma ahan goobta aad ku dhalatay , muhiimna ma ahan qaraabadaada iyo qoyska aad ka dhalatay, arinta kaliya ee muhiimka ah waa “Adiga iyo waxa aad aaminsantahay”.

Iska hubi aaminaataada in ay tahay “Wax walbo waa dhici karaan” waa kan xadiithkii rasuulka SCW ee macnihiisu ahaa

“Ilaah waxa uu qofka siiyaa waxa uu aaminsanyahay”.

Xadiith Qudsi

Henry Ford waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee Ameerikaan ah oo sameeya warshad baabuurta sameysa, eradayada lagu xasuusta waxa ka mid aha murtidiisa caanka noqotay ee aheyd

“hadii aad aaminsantahay in aad sameyn karto ama aad aaminsantahay in aad sameyn karin labaduba waad saxantahay”.

Henry Ford

Henry waxa uu aaminsanaa in muhimaadda qofka iyo helitaanka wixii uu rabay ay ku xiran tahay oo kaliya “Waxa uu aaminsanyahay”.

Sidee buu u guuleysanayaa qof aaminsan waxyaabo uu isaga iska dhaadhiciyey sida “fursad ma haaayo”, “meel xun ayaan ku noolahay”,”Lacag aan isku furdaamiyo ma haayo”, ogow waxyaabahan aad aad adiga isku sheegtay waxa ay noqon doonaan “run” maxaa yeelay waad aaminsantahay,

Dadka aaminsan in ay sameyn karaan “Wax waliba” waxa ay u bareeraan qataraha, waxa ayna sameeyaan Isku Day, xitaa hadii aay waayaan hadafkoodii weynaa , horay ayey u socdaan, waxa ayna ka soo tagaan EBER waxa ayna gaaraan Heer, waxa ay ka soo tagaan rajo xumo, waxa ayna hiigsadaan Guulo.

2#Ficil Sameey

Aaminaata oo kaliya naguma filna, si aan u helno wax walbo oo aan u baahanahay waa in dhaqaaq sameynaa, markase aan ka hadleyno Ficilka waxaa jira quraafaad da’ah oo dadka intooda badan ay aaminsanyihiin taasi ah ah “Waxaan sugayaa intii waxa iskukey toosaan”

Jooji , waxaan ku xaqiijinayaa in aysan jirin maalin ay wax walbo iskukaa toosi doonaan, mar walbo arin unbaa khaldan, sidaa darteed markii ugu fiicneyd ee aheyd in aad howsha bilwoda waa sanadkii hore, hadii taasi aysan dhici waqtiga kale waa hadda, hadda bilow, waxaa jirta maahmaah shiineys ah oo dhaheysa

Waqtiga ugu haboon ee geed in la beero ay aheyd waa 20 sano ka hor, waqtiga labaad ee ugu fiican ee la beeri karo waa hadda, hadda beer”

Maah maah Shiineys ah

3# Isku Dayka Ha Joojinin

Muhiim ma ahan qaabka ay ku socoto nolashaada qaab xun mise qaab wanaagsan, waxaa laga yaabaa in aad raadineyo cudurdaar si aad howsha u joojiso, ogow waxaa fiican in fikirkaasi aad ku badalato mid kale oo ka soo horjeeda kaasi oo ah “raadi cudurdaar si aad howsha u sii wadi karto”.

Dadka waxa ay ku sheegi doonaan kun sababood oo ay habboontahay in aad joojiso waxa aad ku fikireyo, diyaar ma u tahay in codadkaasi aad maqasho.

Dooqa adiga ayaa iska leh

Waxaa dhici kartaa in guushaada ay ka dhawdahay sida aad fileyso, howsha wad, hana niyad jabin.waa kan Albert Hubbard oo ah feylasoof Mareykanka waxa uu na leeyahay

Ma jirto guuldarro aan ka aheyn in aad joojisay Isku Dayka

Elbert Hubbard

Waxa aan ku dhaxnoolnahay bulsho dag dag ka sameysan, markii wixii aan rabnay aan ku heli weyno si dhakhso ah cabasho ayaan bilownaa, laakiin runtu waxa ay tahay wax wanaagsan waxaa hela dadka wax sugta waa halka ay soomaalida tiraahdo “Ma Sugto mahar ma leh” sidoo kale soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa.

Ninkii Sabra ayaa Sad Hela

Maahmaah Soomaaliyeed

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada