Si uu qabsooma afganbiga waa in ay jiraan waxyaabo dhiirigilinaya afganbiga, tusaale xaakimka talada haayo oo dulmigiisa bato, ama aqlaal darro uu ku kaco qofka tala haayo iwm, waxa ay noqon karaan waxyaabaha ugu waaweyn uu ka faa,ideysan karo qofka Afganbiga sameeynaayo
XAQIIQO NEWS- XIRFADO KALA DUWAN
Ma jiraa qof horay u daawaday filimka Mareykanka ee “lion king” “Boqorka libaaxa “ oo aysan soo jiidan Sawirada qurxan ee filimka ,ama dhacdooyinka xiisaha leh ee filimka ku jira.
Ma jiraa qof naga mid ah oo ku baraarugay qisada “afganbi” ee filimka xanbaarsanyahay min bilow ilaa dhamaad.
Filimka ayaa si hufan oo yaab leh islamarkaana cilmeysan noogu sawiraayo sheeko Afganbi oo qurux badan, waxaan afganbiga sameynaayo jilaaga Sita magaca “Scar” , waxaana la afganbinayaa Xaakimka talada haaya ee “(Movasa).
Filimka ayaa jeexaya “Road map” tusmo u noqon karo qof walbo oo doonaayo in sameeyo Afganbi Millatiri, ama doonaayo in uu xukun ka tuuro qof talo haayo.
Filimka dhaxdiisa ayaa inqilaabka waxa uu marayaa seddex marxaladood, marxalad walbana filimka waxaa uu ku tusinayaa dhacdooyinkeeda, waxeyna kala yihiin: marxalada Koowaad oo ah “sameynta inqilaabka”, marxaladda labaad oo ah “in lagu hoosnoolaado xukunka inqilaabka” iyo maraxlada seddexaad oo ah “in uu burburo Afganbiga”.
Marxalada koowaad Sameynta Inqilaabka
Si loo sameeyo Afganbi lughiisa isku taaga, waxaa loo baahanyahay seddex arimood oo asaas u ah Afganbiga,waxeyna kala yihiin:
Arinka koowaad “Waxyaaba dhiiri giliya afganbiga”
Si uu qabsooma afganbiga waa in ay jiraan waxyaabo dhiirigilinaya afganbiga, tusaale xaakimka talada haayo oo dulmigiisa bato, ama aqlaal darro uu ku kaco qofka tala haayo iwm, waxa ay noqon karaan waxyaabaha ugu waaweyn uu ka faa,ideysan karo qofka Afganbiga sameeynaayo.
Waxaana marka la fiiriyo filimka, dhacdadan ay aheyd asaaskii koowaad ee uu ka faa,ideystay Scar.
Arinka Labaad “Dadkii Sameyn Lahaa Afganbiga”
Hadii aan dib ugu laabano filimka “lion king” cunsurka ugu muhiimsan ee Afganbiga sameynaayo waxa uu ahaa “Scar” oo kaashanaaya hubkiisa, iyo damaciis.balse marka loo fiiriyo Xaakimka “Movasa” oo taageero ka heystay kooxdiisa Libaaxyaasha, wey ku adkaatay Scar inuu afganbi sameeyo isbaheysi la,aan waxa uuna u baahday “rag u sameeya afgambiga”.
Waxaa uuna Scar gacan ka helayaa koox waraabayaal ah oo aan xumaan oo dhanba ka xishoon, hadii aysan u jeedinba xaakim “Movasa” .
waxaa uuna u jeediyey hadalo gubaabin ah, erayada filimka waxaa ka mid ahaa “u kaca mustaqbalkiina,si aad u gaartaan meel sare” waana kalimad muujineysa in daneysiga iyo damaca uu asaas u ahaa “ishabeysigan Danleyda ah”.
Balse intaasi oo kaliya ma ku filneen Scar si uu xukunka kaga tuuro “Movasa” oo taageero weyn ka heysto libaaxyada” sidaa darted waxaa uu gacan ka dalbaday “xeyn Lo,ah” oo badan.
“Xeynta Lo, duurka ah” waa kuwa kaliya ee filimka dhaxdiisa ugu soo muuqday muuqaalkooda dabiiciga ,waxaana lagu argayaa filimka iyagoo daaqaya.
Scar Lo,da heshiis lama gelin sida warabayaasha oo kale,badalkeeda waxaa uu ka hagaayey meel fog .
Xaqiiqdii waxay tahay in lo’da aysan maanta waxba ka ogeyn wixii dhacay, mana oga in afganbi ay ka qeyb qaateen. Sidaasi ayuuna Scar ku helay Dadkii loo baahnaa in ay sameeyaan afganbiga.
Hadaba kaliya waxaa dhiman hal arin o ah “qorsho” si uu luguhiisa ugu istaago afganbiga.
Arinka seddexaad “qorsh afganbi”
Hadii mar lahelay ragii afganbiga sameyna lahaa, sidoo kalane la helay waxyaabaha dhiirigelin lahaa afganbiga,waxaa dhiman hal arin oo ah “qorsho” oo ah in la qorsheeyo qaabkii loo sameyn lahaa afganbiga ugu qasaaraha yar, ama xitaa qasaaro la,aan.
Marka aan dib ugu laabano filimka, Scar waxa uu ku guuleytay in uu kala fufuro xukunkii awooda badnaa ee taagnaa ka dib uu isaga ku fadhiistay gursigii !.
Hadaba hoos ka aqriso qorshaha uu isticmaalay Scar oo faafaahsan:
Ugu horreyn wey adkeyd in la wajaho xaakim Movasa iyo qaraabadiisa maadaama ay isku xirnaayeen, sidaa darted waxa uu ku fikaray in uu kala furfuro.
Scar ayaa si hoose ula hadlay libaaxii ugu yaraa kooxda oo lagu magacaabayey “Simba” waxa uuna ku gubaabiyey in uu ka faa,ideyto geesinimadiisa waxaa uuna tusay in kaligiis uu lo,da duurka ugaarsan karo.
Libaaxii yaraa ayaa ka soo dheeraaday qaraabada, isla waqtigaasi Scar ayaa ka dalbaday waraabayaasha in lo,da ay ku soo kaxeeyaan dhanka Libaax yar “Simba” libaaxii yaraa xaalka ayaa ku xumaaday libaaxii markii Lo,dii ayaa qoob iyo gees kala duldhacday “Simba” oo ah libaaxii yaraa balse Xasuusnow lo,da ma oga nooca dagaal ee ay ku jirto.
Xilli la xasuuqayo libaaxii yaraa, ayaa dhanka kale waxaa uu Scar aaday Movasa waxaa uuna u sheegay in Yaraankii “Simba” uu geeri qarka u saaran yahay waxaa uuna ku dhiirigeliyey in uu badbaadiyo.
Mosava ayaa u baxay badbaado balse Dagaal faraha looga gubtay ayaa ka qabsaday xeyntii lo,da aheyd.
Intii sheekada halkaa taagantahay ayuu Scar ka dalbaday Waraabayaasha, in ay soo dilaan libaaxii yaraa ee Simba,waxaana soo laabtay waraabayaasha oo been sheekaayo iyaga oo leh waan soo dilnay Simba xilli aysan qaban wax shaqo ah.
Halkan waxaa uu na tusayaa filimka in si kastoo oo dadka afganbiga kula sameynaayo ay u xamaaseysanyihiin, waxaa lagama maarmaan ah in dadka qaar ay lugta siibtaan oo ay tartiib kaga baxaan heshiiska.
Scar waxaa uu aaday dhanka halkii uu ka tagay Movasa waxaa uuna libaaxyadii kale la wadaagay tiiraanyada ku saabsaneyd jabkii ka soo gaaray Simba iyo Movasa, waxaa uuna balanqaaday si kasto oo duruufta u adagtahay in uu sii anbi qaadi doono maamulka.
Waxaa uuna halkaasi ku iclaamiyey in uu guuleytsay “Afganbigii” waxa uuna jeediyey hadal weyn waxaana filimka ka mid ahaa “ aan bilowno waqti cusub iyo subax cusub,oo libaaxyada iyo waraabayaasha ay ku noolaan doonaan si wada jir ah, aan hiigsano mustaqbal iyo barwaaqo.
Halkaasi waxaa ku soo dhamaaday marxaladii koowaad ee Afganbiga oo aheyd “sameynta afganbiga” waxaana intan wixii ka danbeeya bilaabanaya marxaladii labaad oo ah marxalada “ku hoos noolaanshiyaha xukunka afganbiga”.