Baraha bulshada waxaa bilwoday hadal heyn ku aadan: shakshsiyadda rasmiga ah ee Xaawo Taako waxaana la is weydiiyey:Xaawo taako ma waxa ay aheyd halgamaa Soomaaliya u dhimatay mise waa xaas Taliyaaniga qabeen oo iyaga u shaqeyn jirtay.
XAQIIQO NEWS- FIKRADAHA
Marka hore waxa aan u mahad celinayaa baraha bulshada kuwaasi oo suuragaliyey dadka in ay helaan xog ka duwan kana dhaqsi badan ilahii ay dadkeena markii hore xogta ka heli jireen dhammaan qarniyadii la soo dhaafay.
Waxa aan aaminsanahay in ay imaan doonto maalin aan ka shakino wax walbo oo Soomaaliya ku saabsan ka soo bilow calanka ilaa taallooyinka caagga ah ee gumeystihii iyo kacaankii noo dhiseen, maxaa yeelay waxa ay mudan yihiin in su’aal la iska weydiiyo.
Qeybta Qarsan?
Marka loo hadlo sii daahfuran gumeystihii Taliyaaniga xoog ugama bixin Soomaaliya, waxa uu dalkeena iskaga tagay ka dib markii uu noo sameeyey dastuur, calan, waxa uu ugu yeeray halgamayaal iyo xitaa ururo uu ugu magac daray xornimo doon kuwaasi oo isaga la shaqeyn jiray.
Halgamayaasha Dhabta ah Waxa ay Ahaayeen Culimo: Soomaalida wixii ka horeeyey gumeystaha aqoon uma aysan laheyn nidaamka waxbarashada akadeemigada ah, waxaan isha aqoonta Soomaaliyeed ay aheyd masaajidda iyo xalqadaha cilmiga ah.
Sidaa darteed markii gumeystaha ay ku soo xadgudbeen dhulka Soomaaliyeed, aqoonyahanada kaliya ay Soomaali laheyd oo ahaa culimada ayaa hogaanka u qabtay halgankii ka dhanka ahaa gumeystayaasha tusaale Shiikh Xasan Barsane oo inta la diwaan geliyey ahaa hogaamiyaha halgankii ugu weynaa koonfur.
Sidoo kale culimada Taliyaaniga halganka kaga hortagtay waxaa ka mid ahaa Shiikh Cali Maye oo xeebaha Marka Taliyaaniga ka difaacay.
Taliyaaniga waxa uu la dagaalay culimadii, waxaana badalkii culimada uu Taliyaaniga aasaasay dad uu isaga ugu magac daray halgamayaal waxaana halgamayaashaasi ka mid ah halgankii SYL oo runtii ahaa “Pro Italia” waxaana ururka SYL la aasaasay 1943-kii oo aheyd waqtigiii gumeystaha Ingiriiska uu xooga Taliyaaniga uga heystay koonfurta Soomaaliya.
SYL ayaa shaqadooda ugu weyn ay aheyd in ay kiciyaan shacabka Soomaaliyeed iyaga taageera ka helaya Taliyaaniga waxa ayna dhaqaaqoodaasi ciwaan uga dhigeen “xornimo doon”.
Dhimashadii Xaawo Taako
Marka laga soo taago doodda taariikhyahanada ee ku saabsan Xaawo Taako Yaa qabay? iyo yaa dilay? waxaan rabaa in aan ka hadlo maalintii la dilay xaawo iyo wixii jiray maalintaas.
Sida uu qoraayo buugga “Jabhadihii Somaaliya” Xaawo Taako waxa ay dhimatay xilli ay ku jirtay banaan bax looga soo horjeeday Ingiriiska, waxaana banaan baxaas waday ururkii SYL iyo dadkii loo yaqiinay pro Italia, kuwaasi oo dalbanaayey in Soomaaliya lagu soo celiyo gacantii Taliyaaniga.Waxaan falaarta ku dhuftay nin Soomaali ah oo isna ka hoos shaqeyn jiray Ingriiska.
Nasiib darrada ugu weyn ee taariikhda Soomaaliya ku dhacday ma aheyn in aan la qorin, waxa ay aheyd in taariikhdeena ay noo qoreen gumeystaha, kuwaasi oo halgamayaasheenii dhabta ahaa nooga dhigay “wadaado waashay” halkii dadkii isaga la shaqeyn jirayna loo aqoon saday dadkii xornimada soo dhiciyey.