Sigaar Ayaa Sababay In Diyaaraddii Kenya Burburto!

La Wadaag Asxaabtaada

Bardaale, Baardheeere, Baladweyne iyo tii ugu dambeysay ee ku burburtay Dhoobley, Kenya ayaa wajaheysaa carqalad dhab oo ka heysata Hawada Soomaaliya.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Burburkii ugu dambeeyey ayaa waxaa uu saameeyey diyaarad sida la sheegay sahay u siday ciidanka Kenya ee Dhoobley ku sugan.

Shilka diyaaradda Dhoobley ayaa noqonaya kii afaraad oo noociisa ah oo ay la kulmaan diyaaradaha Kenya ee isticmaala hawada Soomaaliya sanadkan gudahiisa, sidoo kale Kenya ayaa noqoneysa dowladda labaad ee ugu badan ee leh diyaaradaha ku dul burbura hawada Soomaaliya, marka laga soo tago Mareykanka oo drones-kiisa ay noqonayaan kuwa ugu badan ee ku burbura hawada Soomaaliya.

Maxay Diyaaradaha u burburaan?

Sida uu qoraayo webseetka “Flightdeckfriend” 55% burburka Diyaaradaha waxaa sababteeda leh “duuliyaha”, ciladda ugu badan ee duuliyaasha qabsatana waa “xakameynta oo ka lunta” sida ku dhacday diyaaraddii Baladweyne ku burburtay ee Kenya, tii Baardheere iyo tan Dhoobley ku burburtay,

Sidoo Kale Aqri..Maxay Ka Dhigantahay Labo Drones Oo Soomaaliya Ku Burbura Todobaad gudahiis?

Hadii sigaar lagu cabo goobta uu fadhiyo duuliyaha ee loo yaqaan “flight deck”, waxaa lumaya xakameynta gaar ahaan diyaaradda ayuu shil ku imaan karaa marka ay kaceyso ama marka ay caga dhiganeyso.

Sanadkii 2007 diyaaraddii “kenyan air ways” ee nooceedu ahaa Boeing 737-800 taasi oo ku burburtay baadiyaha Afrika, sababteedu waxaa lahaa “sigaar”. sida uu aaminsanaa John Nance oo ahaa duuliye Mareykanka ah islamarkaana ka tirsanaa Tv-ga ABC news.

Kenyaanka Waxaa iskaga darsan mas’uuliyadda iyo balwadda.

Tan iyo 2007, arintani oo isku nooc ayaa dhaceysa oo dhaceysa, hase ahaatee Kenyaanku waxa ay raadiyaan marmarsiiyo, mar waxa ay eedeeyaan hawada mar kalana dameeraha, “laakiin waxaa la joogaa waqtigii ay fahmi lahaayeen ciladda saxda ah ee heysata” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo dowladaa Kenya u soo jeediyey in ay duuliyaasheedu barta waqtiga ay tahay in ay sigaarka cabaan iyo waqtiga mas’uuliyadda saaran tahay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada