Siigada.. Xumaan Mise Xal?

-

Dhaqanka “Siigeysiga” waa ficil laga wada siman yahay, waxaana sameeya dhammaan dadyowga dunida, diin, dhaqan, iyo midib walbo oo ay leeyihiin.


XAQIIQO NEWS- HORUMARINTA NAFTA

Siigada( qofka oo biyaha iskaga keena isaga Kaligiis) ma jirta wax saameyn caafimaad oo ay leedahay sida uu qoraayo webseetka arimaha caafimaadka wax ka qora ee “Healthyline”.

Hasa ahaae dad badan ayaa dareema “dambi” marka ay siigeystaan, taasi oo ay uga wacantahay, diin ahaan, dhaqaan ahaan ama dhibaatooyin siigada ka dhasha marka qofka uu badsado.

Siigadu..Xaaraan Mise Xalaal?

Culimada Iskuma raacsana xakunka rasmiga ee la siinaayo qofka sameeya ficilka “siigada”, laakiin inta ugu badan waxa ay siigadu ku sheegaan “xaaraam”.

Sidoo kale Aqri: Kala Duwanaashaha Ragga Iyo Dumarka Ee Ku Saabsan Fikirka Galmada

Sidaas oo ay tahay culima badan oo muslimiin ah ayaa aaminsan in siigadu ay tahay “makrooh” (wax laga fiican yahay balse diintu aysan xaaraameynin). halka culimo kale oo yareyn ay aaminsan yihiin in siigadu ay tahay “mubaax”(arin iska banaan oo qofkii doona uu sameyn karo).

Dhibaatooyinka Siigada

Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu weyn ee siigadu laga dhaxlo waxaa ka mid ah “la qabsi”, macnaheedu waa qofka oo qabtima , arintaasi oo sababi karto

  • In aan aadan qabanin shaqooyinkii kuu yaalay
  • in aadan aadin shaqada ma iskoolka
  • in aadan muhiim u arkin dhacdooyinka bulshada
  • xiriirka aad la leedahay jinsiga kale oo hoos u dhaca

Faa’idooyinka Siigada

Dhaqaatiirta ayaa ku doodaya in Siigadu ay faa’idooyin badan u leedahay caafimaadka qofka jir ahaan iyo maskax ahaan labaduba.

Sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay Wesbeetka Healthyline, Siigadu waxa ay leedahay faa’idooyin la mid ah kuwa galmada, sida

  • Istareeska oo yaraada
  • hurdo fiican
  • Muudka qofka oo hagaaga
  • qofka oo dareema “baahiyahiisa kale”
  • Walwalkii galmada oo hoos u dhaca iyo kuwa kale oo badan.

Siigada iyo Kansarka

Qaar ka mid ah cilmi baarayaasha ayaa tilmaamaya in biya baxa joogtada ah uu hoos u dhigo halisa qofka uu ugu jiro in uu qaado Borosteyt Kansar (prostate cancer), inkastoo dhaqaatiirtu aysan si rasmi ah u ogaanin sababta arintaasi ka dambeysa.

Cilmi baaris la sameeyey sanadkii 2016, waxa lagu ogaaday in raggii biya baxay ugu yaraan 21 jeer bishii uu hoos u dhacay halistii ay ugu jireen in ay qaadan Borosteyt Kansar boqolkiiba 20, sidoo kale cilmi baaris la sameeyey 2003-dii waxa ay shaacisay xiriir ka dhaxeeya biya baxa badan iyo hoos u dhaca kansarka Borostaatada.

Siigada iyo Uurka

Xilliga uurka, waxaa dhacda in isbadalada Hoormooniska ay dumarka qaar ku sababaan in uu bato “hammigooda galmo”, waxa ay dhaqaatiirta ay leeyihiin siigadu waa mid ka mid ah xalalka ugu fiican ee haweeneyda uurka leh ay iskaga yaren karto “humuunta galmada”.

Dumarka uurkooda aadka u culus yahay waxa ay dhaqaatiirta kaga digaan siigada, madaama biya baxa dumarka(xaawada) ay qayba ka qaadto foosha.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...