Siinaariyada Dagaalka La Saadaalinaayo ee Jubbada Dhexe

La Wadaag Asxaabtaada

Maamulka Jubaland ayaa   sheegay  in ay isku diyaarinayaan  waxa ay ugu yeereyn “Soo Celinta Goobaha Maqan”  Saacadda ayaana ku sii siqeysa Eber, Haddaba  Waa Maxay Saadaasha?

Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha

Waxaa la sugayaa iclaaminta dagaal “Aan sahlneyn” , sida muuqata dagaalka ayaa ku bilaaban doono amar laga sugayo Axmed Madooobe, waxaana hadda Ciidamadii ugu badnaa ee Jubbland la geeyey degmada Afmadow, balse Ka hor Maxaa dhici kara?

Is-Qarxin

Mid ka mid ah difaacyada ugu adag ee Alshabaab waa Weerarada “Naf-hurnimada”, oo sida la filaayo noqon kara buur-adag oo Jubbland ka hor istaagta riyadii qabsashada Jilib.

Caawin dibadda ah

Ciidanka Jubbland oo u abaabulan qaab “Maleeshiyo”  ayaan heysan qalab milatiri oo ku filan, sida muuqata todobaadka koowaad gudahiisaba Ciidanka Jubbland ayaa u baahan doono Caawin ka baxsan Maamulka, Kenya ayaana la filayaa in ay noqon doonto saaxibka koowaad ee gacanta kaalmada u fidin doono Jubbland.

Guulo qabyo ah

Marka la fiilyo Qaabka ay u abaabulanyihiin Alshabaab, Kooxda awood uma lahan in ay sameyaan is hortaag bir ah, hase yeeshee xeeladda kooxda waa kuwa ku filan ay kala dhantaalaan guulaha, sida muuqata Maamulka Jubbland waxaa gacantooda gali doono goobo dhowr ah ,balse waa arin aan daacad aheyn hadii aan saadaasha ku darno in Jubbland ay la wareegi doonaan gobolka oo dhan.

Kaalmaha Cajisan

Fikradda dagaalka Drone-ka ee Mareykanka waa mid qeyb ka noqon karta dagaalka Mustaqbalka ee Jubooyinka, Sidoo kale kaalinta Federaalka  ayaa iyadana qeyb ka noqon karta howgalka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada