SIR AH: Alshabaab Oo Diinimooyinka biyaha U isticmaalaya in ay Drones-ka iskaga difaacaan

La Wadaag Asxaabtaada

Marka la fiiriyo dokumenti ay heshay shabakadda Associated Press, hogaamiyaasha al-qaacida ayaa isticmaala qaabab badan oo ay kaga hortagaan weerarada xagga cirka ah ee ay fuliyaan drones-ka Mareykanka.

Sida ay qortay Associated Press warqadda lahelay waxaa ku qornaa liiska qaababka kooxda al-qaacida ay kaga hortagto weerarada drone-ka.

liiska oo ku qornaa warqad copy ah markii ay helayeen ciidmada faransiiska ka dib dagaal dhaxmaray ciidanka faransiiska iyo kooxda al-qaacidada Waqooyiga Africa.

Warqadda la helay ayaa waxaa ku saxiixnaa hogaamiye sare oo al-qaacida ka tirsan oo lagu magacaabo Abdallah bin Muhammad,waxaana talooyinka ku qoran warqadda fuliya dhamaan kooxaha xariirka la leh al-qaacida,xarakada Aslshabaabna ay ka mid tahay:

hoos ka aqriso qaar ka mid ah talooyinka xaqiiqonews u suurtagalay in ay hesho

1-in xubnaha kooxda ay isticmaalaan machine-ka loo yaqaan “”sky grabber” waana qalab laga heli karo suuqyada qiimo dhan $2,595 , qalabkani ayaa qaldaya hirarka iyo mowjadaha ay diyaaradu ku socoto waana in qofka qalabkani isticmaalayaa uu aqoon u leeyahay computer.

2-Waxa ay isticmaalaan qalab qaldaya xakunka diyaarada drone-ka, waxaana ku qornaa warqadda “mujaahdiinta waxa ay leeyihiin khibradooyin tijaabin ah oo guuleystay ka dib markii ay isticmaaleen qalabka Ruushka lagu sameeyey ee loo yaqaan “”Racal.”

3-In la isticmaalo dhalooyinka sameeya iftiin noqodka {reflective glass} lana mariyo dhalooyinka baabuurta dushooda iyo guryaha madaxda ay ku jiraan saqafyadooda.

4-In la tababaro shiishyahano si loo u gaarsado drones-ka soo dhawaada ee ku duulaya joogyada hoose, sida wixii ku duulaya joog ka hooseeya lix Kilometres.

5-in la mashquuliya xiriirka danabyada diyaarada ku xiran iyo signals drone-ka, waxaana la isticmaalayaa haamo biyo laga buuxiyey iyo diinamooyinka biyaha dalaca oo lagu wareejiyey fiilo maar {copper wire}.

6-in la isku daboolo oo la isku qariyo geedaha dhumacyada Waaweyn hoostooda, maxaa yeelay waa goobaha ugu fiican ee gabaad looga dhigan karo drones-ka.

7-In gabaad laga dhigto goobaha dhulka ka hooseeya iyo guryaha maxaa yeelaya hubka ay ridiyaan diyaaradahan waa kuwa dili kara shaqsiyaadka oo kaliya “anti-personnel” ee ma ahan kuwa burburin kara dhismayaal “anti-buildings type”

8-In la sameeyo kulumo been ah “fake gathering” taasi micnaheedu wax waaye in la aruuriyo oo meel banaan ah la iskugu keena qoryo loo egeysiiyey bani,aadan si loo marin habaabiyo drones-ka.

9-Marka drones-ka hawada soo galaan in laga gala tago baabuurka oo laga wada cararo qof walbana waa in uu aadaa jiho gaar ah markaasi diyaarada ma awoodi doonto qof walbo in ay u gaarsato.

10-Madaxda iyo dadka la shaqeeya in aysan isticmaalin Qalabka isgaarsiinta, maxaa yeelay cadowga waxa uu isticmaalayaa voice tag si uu u karto codka qofka hadlaayo ka dibna waxa uu raadinaaya halka uu qofka joogo-sida ku qoran warqadda la helay.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada