Sirdoonka Dhexe Mareykanka ee loo yaqaan CIA , ayaa furtay ciwaankoodii ugu horeeyey ee barta Instgram-ka.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Ciwaanka cusub ee Instagram-ka ayaa waxaa lagu faafiyey sawir Xafiis ka tirsan goobaha CIA-da ku shaqeyso.

Sida Xaqiiqonews ay ka soo tarjuntay Wakaaladda Wararka ee Ruushka sputniknews, CIA-da ayaa horay u isticmaali jirtay ciwaano badan oo Youtube iyo Facebook-ba isuga jira.
Xarunta dhexe ee CIA-da waxa ay ku taalaa magaalada Langley, gaar ahaan iskgoyska Virginia-Fairfax, oo ku teedsan wabiga bootamaak (Potomac River).
Sidoo kale CIA-da waxa ay xarumo ku leedahay goobo badan oo dunida ah, waxaana inta badan ay xarumo ku dhax leeyihiin safaaradaha Mareykanka ee dunida.