kooxo sheegtay in yihiin Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa digniino kasoo saaray shirkii lagusoo gaba gabeeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska la sheegayna in qadiyad soomaaliyeed looga arrinsanayay.
Sheekh Cumar Xayaakallaah oo kamid ah culimaa’udiinka Soomaalida ayaa sheegay in shirkaa ay ka qeyb galeen 6 madaxweyne oo mid walba sheeganayo in uu maamulo Soomaaliya taasina ay tahay wax aan horay loo arag in hal wadan uu lix madaxweyne yeesho.
wuxuu yiri “Itoobiya waa dowlad Federaal ah waligee ma aysan kaxaynin mid kamida guddoomiyaasha goboladeeda maxay tahay sababta soomaaliya sidaa loo sameyn waaye waxbaa daaha hoostiisa ku qarsoon nimankaan dabadhilifyada ah waligoodba go’aan mayeelan”.
Culimaa’udiin iyo indheer garad ka qeyb galay barnaamij gaar ah oo ay idaacadda Alfurqaan ka qabatay shirkii London ayaa isku raacay in uu lamid yahay Shirkii Baarliin ee 1884 soomaaliya lagu kala qeybsaday.
Gumeystayaashii Reer Yurub ayaa dalka Soomaaliya ukala qeybiyay 5 gobol (Somaligalbeed,Somaalifaransa oo hadda Jabuuti ah, somali itaaliya oo ah koonfurta,somali Britain oo loola jeedo deegaanada somaliland iyo NFD oo ah dhulka somalida kenya “, dhammaan qeybahaas waxaa qaatay oo gumeysi ayay ku jiraan Faransiiska,Itoobiya iyo Kenya ayaa heysta marka laga reebo Koonfurta dalka oo hadda 6 madaxweyne kajiraan waxaa sii dheer maamulka ‘Somaliland’ oo umuuqda mid soomaaliya inteeda kale laga gooyo marka loo eego in aan laga qeyb gelin shirarka dibada lagu qabto.
Halkan Dhageyso Codadka MP3 ah