SIR CULUS: gaashaanle sare cabdulahi”waxaan ka mid ah saraakiil loo xilsaaray baartiaanka kiiskii kufsiga M.farmaajo”

-

G/sare C/llaahi C/raxmaan oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada booliska Soomaaliya burburkii ka hor, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa koox saraakiil ah oo loo xilsaaray in ay baaraan gal-dacwadeed kufsi oo lagu soo eedeeyey dhalinyaro uu ka mid ahaa mudane maxamed cabdulaahi Farmaajo, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in dhalinyaradaas oo u badnaa qoyskii xilligaa madaxda dalka ahaa in Magaalada ay ka geysan jireen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

SIDEE U DHACAY KUFSIGA ?

Waxay aheyd intii u dhaxeysay sannadihii 1986-1987 waxuuna Kiiskaan Kufsiga ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana gaystay Saddex Dhalinyarro ah oo xiligaasi Aabayashood ahaayeen Madaxda dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Gabadha la kufsaday ee la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Faadumo Careys Ciise Kaarshe waxayna kasoo jeeday Beesha Beesha Awrtable (Yuusuf Daarood) waxaana dhalay Abwaankii weynaa ee Careys Ciise Kaarshe waxayna la dhalatay Gabadh Xildhinaabad ah oo hadda ku jirta Barlamaanka Soomaaliya laguna magacaabo Sacdiyo Careys Ciise Kaarshe.

Gabadhaan la kufsaday ee Faadumo Careys Ciise Kaarshe waxa ay laheyd Imtixaan xiliga la kufsanayay waxayna dhiganaysay Jaamacada Gaheyr waxaana u tagay wiil uu dhalay Wasiirkii Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan oo Beesha Murusade/Hawiye kasoo jeeda kaasoo lagu magacaabo Meekal Maxamed Sheekh Cusmaan “Meekal Jiis” waxuuna Gabadha ku yiri waxaan kuu hayaa Waraaqaha Qishka Imtixaanka oo Macalimiinta laga helay waan kusoo siinaya na keen waxuuna kusoo qaaday Baabuur isagoo keenay meel ay kusii sugayeen labo Dhalinyaro ah oo Saaxiibadiisa ahaa.
Labadaasi Dhalinyarada ah ee sugayay Meekal Jiis waxa ay kala ahaayeen Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Maxamed Cabdi Xoosh oo labadaba Beesha Mareexaan/Daarood kasoo jeeda aadna loogu yaqaanay magaalada Muqdisho xiligaasi oo ahaayeen Dhalinyarada Madaxdii Kacaanka ay dhaleen ee sida weyn ugu tuman jiray Xamar.

Gabadhii saddexdaasi Dhalinyarad ah ayaa Kufsadeen kadibna waa ay dileen iyadoo lagu wareersan yahay in lagu dilay Bistoolad uu watay Meekal Jiis ama Mindi balse Meydkeeda ayay ka carareen iyadoo maalintii labaad markuu kufsiga dhacay la helay Meydka Marxuumad Faadumo Ciise Kaarshe.

Maalintii labaad ayaa Radio Muqdisho abaarihii 2-duhurnimo laga sheegay inuu Kufsigaasi dhacay waxaana si deg-deg ah ciidamada usoo qabteen Meekal Maxamed Sheekh Cusmaan “Meekal Jiis” oo xabsiga la dhigay oo Gabadha Saaxiibadeed Gahayr isla dhigan jireen ay sheegeen in Meekal Jiis uu ugu yimid Jaamacada uuna soo kaxeeyay Marxuumada la kufsaday.

Maalintii ku xigtay maalintaasi ayaa waxaa si deg-deg ah dalka loogu dhoofiyay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Maxamed Cabdi Xoosh, xiligii Farmaajo iyo Saaxiibkiisa la dhoofinayay waxaa Airport-ka Muqdisho haystay oo Maareeyaha Airport-ka ahaa Marxuum Cabdilaahi Maxamed oo ahaa Madaxweyne Farmaajo aabihiis, waxaana labada Wiil loo diray dalka Mareykanka.

Maxkamada Gobalka Banaadir waxaa lasoo istaajiyay Meekal Maxamed Sheekh Cusmaan “Meekal Jiis” waxuuna Meekal isku difaacay inuusan isaga Kufsan oo uusan Dilin Gabadha balse labadaasi Nin ee Saaxiibadiisa ahaa ay isaga Lacag ku siiyeen inuu Gabadhaasi Jaamacadda kasoo saaro uuna u keeno kadibna uu isaga tagay markuu u keenay uusana la socon waxa meesha ka dhacay.

Qaadida Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa markaasi Dacwada halkaasi ku xiray isagoo ku andacooday ilaa labada Wiil ee baxsaday la keeno inuusan Dacwadaasi qaadi doonin waxuuna sii daayay Meekal Kiis, waxaana arrintaasi ay qabsatay Dhagaha Shacabka Xamar ku noolaa waxaana la awoodi waayay in Kiiskaasi si cadaalad ah lagu kala baxo maadaama Wiilasha falka gaystay ay ahaayeen Wiilal ay dhaleen Madaxdii Kacaanka.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...