SIR CULUS: Madaxweynaha Hirshabelle Oo dhaawac soo Gaaray#aqriso War deg deg ah

Warar hoose oo soo gaaray xafiiska warqabadka xaqiiqonews ayaa sheegaya in madaxweynaha hirshabelle cali cabdulaahi Cosoble uu soo gaaray dhaawac isagoo ku qayiilaya mid ka mid ah Hoteelada nairobi Kenya.

Warkan oo ah mid aad loo qarinaayo ayaa waxaa sooo gaarsiiyey shabakadda baahisa wararka ee xaqiiqonews saraakiil ka tirsan hirshabelle oo diiday in magacooda warbaahinta loo isticmaalo.

“madaxweynaha waxaa uu ku qayiilaayey hoteelka isagoo qayiilaya ayaa waxaa lugta ugu daaday shaah kuleel ah oo jilmad yar ku jiray” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan Hirshabelle oo la soo xarriiray xaqiiqonews.

mar aan wax ka weydiinay xaaladda caafimaad ee madaxweynaha iyo sax ahaan shaha warkan noocan oo dadka qaar laga yaabo in ay u argaaan dacaayad ay waxaa uu ku jabaabay” wlh waa war run ah madaxweynaha anigu ma jecli in aan been ka sheego laakin waa war jiro hadda aan kula hadlaayo waxaa lagu dabiibayaa Isbitaal ku yaalla nairobi lugtana maqaarka ayaa yara fiiqmay waxaa uu ahaa shaah aad u kulul” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Madaxweyne cosoble ayaa ku sugnaa Nairobi isagoo isku diyaarinaayey safar uu ugu ambabixi rabay Dalka jarmalka balse dhacdadan ayaa laga yaabaa in ay dib u dhigto safarka madaxweynaha uu ku tagi lahaa jarmalka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA