SIR CULUS: Qaabkee diyaaradaha Mareykanka Duqeynta u fuliyaan “Macluumaad Sare”

-

ciwaanka wararka maalin laha ah ee aan maqalno waxaa ku badan diyaarado wax duqeeyey gaar ahaan weerarada xagga cirka ah ee droneska.

hadaba dad badan ayaa jecel in ay ogaadaan qaabkee drones-ka wax u duqeeyaan?

diyaaradaha mareykanka ee wax duqeeya ee loo yaqaan drones-ka gaar ahaan kuwa hubka culus ee laser-ka ah xanbaara ee loo yaqaan “predators” ayaa ah kuwa ugu badan ee fuliya weerarada iyo bartilmaameedyada ka dhaca wadamada Somalia, Ciraaq, Libiya, Suuirya, Afghanistan, Pakistan iyo meelo kale oo badan.

duuliyaha ka tirsan ciidamada cirka ee mareykanka ayaa hagaya diyaaradiisa oo dul heehaabeysa cirka gobolka shabeelaha hoose ee somalia ama hawada gobolka Waziristan ee dalka Pakistan sidaaasi oo ay tahayna ma dhax fadhiyo diyaaradda balse waxa uu dul fadhiyaa kursiga xafiiskiisa oo kumanaan miles ka fog goobta xitaa ma joogo goob afrika ka tirsan waxaa uu ku sugan yahay deegaanka “Hancock Field Air National Guard Base ” oo ah goob ku dhaw New York.

waxaa horyaala shaashadadaha kombuutar uu ka dhax daawanaayo maps-ka “khariidooyinka” iyo sidoo kale muuqaalo waxaa uuna sugayaa xilliga uu sii deyn lahaa usha ciyaartiisa xilli uu u muuqda “garsooraha ciyaarta” balse shaqadu waa mid iska cad waana arin horay loo argay in markii qalabkani aan magaca laheyn ee biiba “UAV” “Unnamed areal vehicle” dad lagu dilo waxa ay caan ku yihiin magaca ah diyaaradaha aan dulliyaha laheyn “drones”

hadaba waxaa jira labo hab oo ay isticmaalaan diyaaradahan labadaasi hab oo kala ah:

#waxa ay isticmaalaan kaamiro “aerial photography”

habka kowaad ayaa ah in diyaaradda drone-ka ah ay ku xirantahay kaamiro xagga sare wax ka duubta taasi oo si LIVE ah uu ula socdo hagaha diyaarada oo laga yaabo in uu joogo meel ka fog 1,000 miles.

hadaba habkani kowaad ma ahan mid si weyn loogu kalsoonaan karo sababtoo ah mar marka qaar waxaa laga yaabaa in target-ka la duqeeyey uusan noqon kii saxda ahaa hadii joogga diyaarada ay ku biibeyso uu yahay mid sare ayna adagtahay marmarka qaar in kaamirada lagu kala saaro dadka iyo xoolaha.

#waxa ay isticmaalaan qalab “remote sensor signals”

habkani waa mid u baahan dad jawaasiis ah oo qalabkani sensorka ah dhax geya goobta la rabo in la duqeeyo habkani danbe waa kan ugu badan ee lagu laayey dadka madaxda u ah kooxaha uu mareykanka duqeeyo sida alshabaabta soomaaliya.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...