Siraha Qarsoon ee Ku Duugan Heesta Doqoneey Dabkaa ba’

Ma jiraa qof naga mid ah oo maqlay heetsa “Doqoney dabkaa ba'” oo aysan soo jiidan xikmadda culus ee heesku xambaarsanyahay.


Xaqiiqonews-Horumarinta Nafta

Ma jiraa qof naga mid ah oo ku baraarugay qisada “Culus” ee heestu ku duugan?

Heesta ayaa si hufan oo cilmiyeysan noogu sawireysa “sheeko talo xumo ah” , waxa ayna sheekadu oo dhan ku saabsantahay qof talo xun oo shartiisa ku waxyeeleynaya walalkiis.

Heesta oo ku codeeyey Xasan Samatar Ayaa abwaanku waxa uu qeybta hore kaga sheegeynayaa astaamaha dadka doqomada ah.

Abwaanka ayaa noo sheegaya in doqontu mar walbo ay qaadato go’aan xun waxa uuna arinkaasi abwaanka ku sifeeyey sida qof fadhiya mar walbo meel deeb oo wasakh ah.

Sidoo Kale Aqri..Wajiga Qarsoon ee Yuutuubleyda Ogow Sirahan

Abwaanka ayaa noo sheegay in qofka ugu horeysa ay waxyeelo ka soo gaarto ficilada doqonta uu yahay walaalkeed ama qofka dad ugu xiga.

Isla qeybta hore ayaa awbaanku ku cadeeyey in doqonta ay mar walbo ka hooseyso asaageeda, iyada oo mar walbana tuugsi iyo beryo la daba taagan qof aan waxba ka sareynin.

Qeybta ugu xiisaha badan ee heestu waxa ay tahay marka abwaanka doqontu ku tilmaamay qof aan dhameyn isaga oo leh “Dawarsiyo iyo tuusgi bay doorbidaaye ma dad baa..Doqoney dabkaa ba'”.

Halka Mar Ee Doqontu Ay wax Fahanto!

Hadii aad horay u ogeyd in qofka aragga la’ oo kaliya uusan wax arkin, waa kan abwaanka oo noo sheegay in uu doqontu nafteeda ay aragga la’dahay taasina ay tahay sababta loo arko doqomada oo mar walbo ku dhaqaaqaya go’aan qaldan.

Heesku waxa aan ka baraneynaa in ay jirto hal waqti oo qofka doqonka ah uu wax ogaado, waana marka qaladkii uu dhacay xillagaasi oo aysan waxba tareyn shalaay iyo qowmamo.

Hadii aad i weydiiso qeybta aan ugu jeclahay heeskan, dabcan waxa aan ku dhihi lahaa qeybta uu abwaanku kaga hadlaayo Waxbarashada iyo doqonimada.

Bal u fiirso erayadan “Tacliinta loo dareeray bay dacal martaa…daruusta oo la qaadan bay sahashataa”.

Sida aad hadda adiga u fikreyso oo kale ayaan u heystay in heesku uu ku saabsan yahay “doqomo kale” sidaa darteed wax saameyn ah iguma laheyn, ilaa aan si kadis ah u maqlay Xasan Samatar oo leh “Dunida oo hayaantay bay dib u noqdeen..Dalkooda oo burburay bay dagaalamaan..dullinimay sidaasi ku daa’intay ma dad baa!, doqoney dabkaa ba'”

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA