Sirtan Laguuma Ogola in Aad Ka Ogaato Karoona Fayrus

La Wadaag Asxaabtaada

Maalmo ka hor inta uusan Karoona fayrus ka dilaacin magaalada Wuhun ee dalka shiinaha Waxaa magaaladaasi laga hergeliyey adeeggga casriga internetka ee 5G.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Ka dib markii uu qarxay cudurka Karoona eeddu waxa ay hareeysay meelo badan, hase ahaatee waxa aysan dad badan ogeyn ayaa ahaa sida adeegga 5G uu ugu qeyb qaato awood yareynta difaaca jirka.

Karoona Fayrus oo hadda magaciisa loo badalay “COVID-19” ayaa la rumeysnaa in uu asal ahaan ka soo biloday xaywaanaadka, si kastaba ha ahaatee waxaa jira shaki cusub oo farta eedda ku fiiqaya adeegga “5G”.

5G waxa uu sababaa Karoona Fayrus!

5G waxa uu soo dhuuqayaa oksijiinta ku jirta sambadaada- ayaa lagu yiri muuqaal si aad ah laysguga faafiyey baraha bulshada,kaasi oo meesha keenay xiriirka cusub ee ka dhaxeeya Karoona iyo 5G.

Sidoo Kale Aqri..3 Fitamiin Oo Kaa ilaalineysa Fayruska “Karoona”

Dhaqaatiirta ayaa aaminsan in adeegga 5G oo ah mid xawaare sare, dhan kale ay ku gadaamanyihiin qataro caafimaad, sida difaaca jirka oo hoos u dhaca.

Ila hadda waxaa la xaqiijiyey in magaalada Wuhun laga hergiliyey adeegge 5G cudurka ka hor, laakin ma jirto xaqiiq rasmi ah oo ku saabsan in 5G uu mas’uul ka yahay cudurka Karoona.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada