Siyaasi caan ah oo ku sumoobay raashiin uu cunay ka dibna loola cararay isbitaalka

La Wadaag Asxaabtaada

Raila Odinga oo ah Hoggaamiyaha Mucaaradka xisbiga NASA ee dalka Kenya ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi.

Wararka ayaa sheegaya in Raila Odinga uu ku sumoobay raashiin uu cunay sidaana uu xaalad xun u galay, waxaana hadda xaaladiisa la tacaalaya dhaqaatiirta.

Raila Odinga ayaa la xaqiijiyay inuu ku sumoobay cuntada Kenya laga cuno ee loo yaqaano Enugu Nigeria sida ay sheegeen xubno ku dhow.

Xaalada Caafimaad ee siyaasiga Raila Odinga ayaa la soo sheegayaa iney soo hagaageyso hadda, waxaana dhaqaatiirtu sheegeen in noloshiisa aysan qatar ku jirin.
Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha amaanka ee Kenya ayaa wada Baaritaano ku saabsan waxa dhacay iyo haddii ay sun ku jirtay raashiinka uu cunay hogaamiyahan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada