Siyaasiga Is Badalay

La Wadaag Asxaabtaada

Ma Laga Yaabaa In Xil. Daahir Amin Jesow is qarxiya?    Waa Su,aal dood Gali karto, Saalax Badbaado Waxa uu ahaa Xildhibaan ka hor in uusan Baabuurkiisa ku qarxinin Meel u dhaw Xerada Xalane, hoos ka aqriso qaar ka mid ah is badbadalkii siyaasiyiinta Somaalida.

Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha.

“Aduunyada waa Harka labadiisa Gelin” waa murti soomaali ah, waxaa kale ay soomaalida ku maahmaahaan “Dad iyo Duur Wax Walba KA Filo” ,sadarada soo socda waxa aan ku soo qaadan doonaa qaar ka mid siyaasiyiintii Soomaaliyeed ee badalay “qaabka aragtidooda”, Warbixinta ayaa ifin doonto oo kaliya    “IS badalka”, hase ahaatee  fikirkee sax ah iyo kee khalad waa mowduuc  gooni u ah “qofka is badalay”

Shariif Shalay iyo Maanta

Waxaa uu ku labisnaa khamiis cad iyo Cimaamad gaduud ah, waxaana saaxbidiisa ay ka codsadeen in uu u soo raadiyo biyo, balse waxa aysan ka warqabin saaxbadiisa ah aya ah xiriirka hoose  ee uu la wado Beesha Caalamka, waxaa uuna fursaddan ugu faa,ideystay in uu dalbado diyaaarad gaar ah si uu uga tago saaxibadiis sagootin la,aan,  wax badan ma aysan qaadanin waxaa uu  isku badalau Madaxweynaha Soomaaliya?

Ma taqaanaa ninkani? ma u maleynayo in uu jiro qof qoraalkani aqrinaya oo aan ka kaseyn Sharif sh. Axmed?  hogaamiyihii hore Maxakmadihii burburay ee Islaamiga.

Sharif Sh. Axmed waxaa uu ka tanaasulay dhamaan afkaartii horay uu aaminsanaa isagoo isku badaly siyaasi Soomaali ah, Waxaa uu soo noqday Madaxweynaha Somaaliya,sidoo kale laba  jeer ayuu  isku soo taagay xilka Madaxweynaha balse ma guuleysan .

   Aas-aasihii Alshabaab.

Sidee bay kula tahay Axmed Madoobe in uu Sameyn lahaa hadii waqtigan aan joogna uu ka war helo in guri yar oo ku yaalla Kismaayo ay joogaan hogaamiyaal Alshabaab ah, loona baahan yahay in uu  la kulmo !   Maxey kula tahay in uu Sameyn Lahaa?

Sida lagu baahiyey baarnaamijka VOA ee “Aassidii Alshabaab” Axmed Madoobe waxaa uu ka mid ah hogaamiyaal Alshabaab ah oo ku shiray guri ku yaalla Muqdisho, xillgaasi Sheikh Axmed Madoobe waxaa loo doortay in uu noqdo ku xigeenkii Alshabaab.

Axmed Islam ayaa iska badalay Alshabaab iskuna Badalay Xisbul Islam, hase ahaate lixdii sano ee ugu dambeysay Madoobe waxaa uu Sameystay Saaxibo cusub isagoo saaxbadiisii hore u aqoonsaday “Cadow”.

              Xildhibaankii Is Qarxiyey

dib u celi maskaxdaada kana soo qaad in aan joogno sanadka 2010, Muqdisho waxa ay  u kala qeybsan tahay Dolwadii Kumeel gaarka iyo Alshabaab,  fikirka Mayal adagna waa bilow, sidaa darteed idaacadda Al- furqaan wax weyn kuma qaadaneyso in doodaheeda ay ka soo qeybgalaan xildhibaano.

Waa kana Saalax badbaado waxa uu caadeystay in uu ka qeybgalo doodaha idaacadda al-furqaan, maalmo un ka dib dadkii waxa ay ka warheleen in uu ku biiray Alshabaab, ugu dambeyntii Xildhibaan Badbaado waxa uu nolashiisa ku soo dhameeyey IsQarxin, isagoo waliba aan hilmaamin uu ka dalbado saaxbadiisa hore –Xildhibnaada- in ay wadadiisa raacan.

           Hal-Xiraalaha Rabow 

Waxaa uu ka soo muuqday Filim ay soo saareen Alshabaab,  isagoo labisan dharka ciidanka ee tuutaha, waxaana filimka dhaxdiisa uu ku dhiirigelinayaa askarta erayadan “Ikhwaani macrakadan waxa la idinka doonayaa in ay guuleysataan, maanta in ay iyaga insixibaan(baxaan) ma ahee, yaanan la soo isixaabin”

Robow waa ninkii ugu daraja sareeyey ee ka soo goosta Alshabaab, baxsad oo kaliya kuma egaane waxa uu isku badalay musharax madaxweyne, waxa uuna hadda u taagan yahay xilka Madaxweynaha K. Galbeed,  hadii uu Robow guuleysto waxa uu noqonayaa ninkii Labaad ee ka soo goosta Alshabaab ee Madaxweyne ka noqda Maamul Goboleed, Axmed MAdoobe ka dib, hadii taasi ay dhacdo waa hal-xiraale aad u adag oo horyaalla DF-ka,

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada