Sheekada soo socoto waxa aan ka soo tarjunay mid ka mid ah websiteyada carabta, Fadlan na sii 2 daqiiqo oo ka mid ah waqtigaada.
Xaqiiqonews-Wararka
Mid ka mid ah eeyo ku sugan bar koontorool oo ku taalla waddanka Ajeeriya ayaa sameeyey fal lala yaabo ka dib markii koontoroolka soo maray baabuur uu watay nin Xildhibaan ah.
Ciidanka joogay koontoroolka ayaa fasaxay baabuurka ka dib markii ay ogaadeen in uu wato nin xildhibaan ah, hase yeeshee Eygii ayaa diiday in baabuurka la fasaxo isaga sanka la raacay daroogo saarneyd baabuurka.
Ka dib markii uu eeyga ku adkeystay, ayaa ciidankii waxa ay ka dalbadeen in uu u ogolaado xildhibaanka in baabuurkiisa ay baaraan, waxeyna baabuur ka dhax heleen tiro badan oo ah maadooyinka maanka dooriya.
Eeygan ma garanaayo Xildhibaan, Wasiir iyo xasaanad Toona.
Eeyga waxaa uu ku barbaaray u adeegidda qaranka oo kaliya.
Marka runta laga hadlo Eeyga kuma dhaaran in uu adeego waddanka, waxba kama yaqaano “Waddaniyad” laakiin waxaa uu arkay Qalad wuuna diiday in uu aqbalo !
Waa arin cajiib ah marka aad ogaato in eeygan xitaa uusan qaadan wax miishaar oo joogto ah.
Marka aad aragto Eey ka balan-oofin iyo sharaf badan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dalka waa aad murugoon doontaa.
Eeyaha waxa ay garanayaan balanta iyo macnaha Mas’uuliyadda
Noqda Eeya ka dib ayaan idiin dooraneynaa