Somalia: Deegaankee Markii Ugu Horeysa Laga Diri doonaa Dayax Gamceed? !

La Wadaag Asxaabtaada

Ma jirto Sabab aan raali ugu ahaano in aan sii joogno dhulka, hadiiba dad annaga nala mid ah ay hawada aadeen,  waana hubaa in maalin un dad soomaali ah ay dul dagi doonaan Dayaxa, hase ahaatee arinka madax xanuunka leh ayaa ah goormaa ayey baxayaan? iyo Xagee ayey ka baxayaan?

Xaqiiqonews-Xiddigiska

Inta aadan aqrin wax walbo oo halkan ku qoran, waa muhiim in aan isla meel dhigno in qof walbo oo dayaxa Dul tagay uu ka safray dhulka, mana jiro(inta hadda la ogyahay)  qof dayax ku dul dhashay si uu xaq ugu yeesho dul joogista Dayaxa.

qoraalkeygan gooban waxa aan isku dayi doonaa Sadaal gooban in aan ka bixiyo maalin ay dad badan ka hadalkeeda u arkaan “Riyo aan waqtigeeda la joogin”

Ma jirto maalin ka wanaagsan maanta oo dadkeena la xasuusiyo waxyaabo la iska halmaamay, sida mowduuca miiska noo saaran ee “Dayaxa Gorkiisa”.

Wax ay nala dagan yihiin dhulka,  ma ahan makhluuq ka yimid kowkab kale si aan u dhahno (waa dad naga horumarsan kumanaan sano) waxa ay leeyihiin caqabadahooda bulsho iyo kuwo jireed,  waliba waxyaaba annaga noo fudu ayaa iyaga culus, hase yeeshee caqabadahaasi oo dhan oo isagu jira kuwa aan isla wadaagno iyo kuwa iyaga u gaar ah marna meysan ka hor istaagin in ay cagaha la helaam Dayaxa Gorkiisa.

Intaas oo dhan Ka dib , waa hubaal in aysan jirin cid naga hortaagan in aan Dayaxa Tagno !  Hambalyo hadiiba safarka yahay mid la gaari karo waa arin caqli gali karto in laga dooda Xaggee safarka ka bixi doonaa?

Waxaa jiro deegaano  badan oo u sharxan in ay noqdaan goobtii ugu horeysay ee laga diro Dayax Gacmeedka Soomaaliya

CeelCali

Waxaa loo tixgelin karaa meelaha ugu suurtagalnimada badan-goobtu waxa ay u baahan tahay in ay noqto deegaan leh dhul balaaran oo banaan, Ceel-calina waa goob sidaasi ku sifeysan,  Siyaad Barrane kuma qaldaneen in deegaankani uu ka dhigo Xarun Ciidanka Cirka fadhi u aheyd, Buq Goosaar oo hoostimaato ayaana aheyd Xarunta ciidanka cirka.

waxaa jiro dad badan oo xiiseeya arimahan si ka badan magaalooyinka kale ee soomaaliya ee aan ku noolaaday gaar ahaan muqdisho iyo Baladweyne,  mana jirto sabab kale oo aan ceeli celi ku xushay marka laga reebo labada qodob ee aan xusay.

Waqooyi Galbeed

wax yaab leh ma noqoneyso hadii Hargeysa ama meel u dhaw ay noqoto goobtii ugu horeysay ee Dayax Cirka loogu Gano Soomaliya dhexdeeda, hal sabab darteed  oo ah waa dad ku jira xaalad daganaasho ah, gaar aahn dhowr mar waxaa aan maqalnay warar ku saabsan dad wax cusub sameeyey si ka badan magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

Balidoogle

Waa dhul ku fiican duulimaadyada xagga cirka ah- hadiiba cidda dayaxa direysa ay noqotaa Dowlad Somaaliya leedahay wan hubaa in balidoogle loo dooran doono goob tijaabada koowaad noqota.

Ugu dambeyn adiga ka dhiibo fikirkaada Xagee kula tahay? Maxaadna ku dooratay ?

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada