Al-shabaab iyo Somaliland iskuma raacsana oo kaliya in ay la dagaalamaan Df-ka iyo calanka Soomaaliya, sidoo kale labadan dhinac ayaa ka siman in ay yihiin labada meel ee khataro xagga amni iyo handaada joogto ah ku haaya ergada soo xuleysa doorashada.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Markii ugu dambeysay ee Somaliland ee ka qeyb noqoto olalaha la dagaalanka ergada doorashada Soomaaliya, waxa ay aheyd maanta 8-octobar 2020 golaha wasiirada dowladaasi ayaana soo saaray go’aan ugu caga jugleynayaan waxa ay ugu yeereen “dadka qaatay quursiga Xamar”.
Somaliland ayaa uga digtay dadka waqooyi ka soo jeeda, in ay ka qeyb galaan doorashada Soomaaliya, iyaga oo Soomaaliya ku tilmaamay “Cadowga Somaliland”.
Sidoo Kale Aqri: Maxay Al-Shabaab Xilligan U Daneynayaan Somaliland?
Go’aankan cusub ee Somaliland ayaa garab u noqonaya go’aankii Al-shabaab oo iyaga horay digniin uga soo saaray ka qeyb qaadashada doorashooyinka Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in daba yaaqada sanadkan, Soomaaliya ay ka bilaabmaan doorashooyinka 2020/2021, arintaasi oo daba socota heshiiskii maamul goboleedyada iyo Farmaajo ay ku gaareen Villa Somalia.