Somaliland oo ku dhawaaqday inay sanadkan joojisay dabaal-dega 18 May

-

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay sanadkan joojiyeen dabaal degyada iyo xuska loo sameyn jiray 18-ka May oo ah maalintii Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cusmaan C/llaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa sheegay in sababta ay u joojiyeen xuska dabaal dega 18-ka May ay tahay xaaladaha abaareed ee ka jira deegaanada Somaliland.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland go’aamiyay in sanadkan aan la dhigin dabaal degyadii 18 May, sidaas darteed wixii dhaqaale ee ku bixi jiray dabaal degyada loo wareejinayo gurmadka abaaraha.

Waxaa uu ugu baaqay qurba joogta qaban jirtay xafladaha dabaal dega 18 May inay u bedelaan qaaraan-uruurin, si wax loogu qabto dadka ay saameeyeen abaaraha ee soo barakacay.

Deegaanada Somaliland ayaa waxay ka mid yihiin meelaha ay ku dhifteen abaaraha, waxaana jira dad iyo duunyo u le’day haraad iyo gaajo.

Somaliland ayaa sanadkii 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, 26 sano oo ay ka soo wareegatay gooni isu taaggeeda ma jirto illaa iyo hada aqoonsi caalami ah oo ay heshay

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...