Df-ka ayaa dhawaan go’aan adag ka qaadatay duulimaadyada Caalamiga ee dalka, iyadoo ku dooday in ay arintaasi looga hortagaayo cudurka faafa ee Karoona Fayrus.
Xaqiiqonews-Wararka Gudaha
Go’aanka Dowladda ayaa isku badalay “muran siyaasadeed” ka dib markii maamulka Somaliland uu ka xumaaday qaabka shirkadaha duulimaadyada u aqbaleen xanibaaddii Df-ka.
Shirkadaha Fly Duba iyo Ethiopian airline, ayaa si isku mid ah uga hogaansamay amarka Dowladda, waxa ayna gabi ahaanba joojiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Markale Df-ka ayaa soo saartay qoraal ay sheegeyso in ay ku fasaxeyo duulimaadyada caalimga muddo 2 maalin ah, waxaana duraba duulimaad Hargeysa ku tagtay diyaarada Ethiopian airline.
Jamhuuriyadda Barkeysan ee Somaliland
Somaliland ayaa iyadu ku doodda in ay leedahay madax banaani, dhul, bad iyo cir, hase yeeshee go’aankii Kheyre ayaa arinka soo afjaray waxaana Soo baxday in Somaliland ay leedahay madaxbanaani dhuleed oo kaliya, halka cirkana ay xakunta DF-ka oo iyagu ay ugu yeeraan “Soomaaliyada jaarka ah”, arinka waxa uu hadda u muuqda “Somaliland VS Somalisky”