Soo Qor Qabiil Soomaali Oo Caruurtooda Sidan Ku Sameeya

La Wadaag Asxaabtaada

Waa calaamado foolxumeeyey Wajiyada caruurtii falka lagula kacay, hase yeeshee waa ay ku faanaan, taasina waa caado ay leeyihiin qaar ka mid ah qabaa,ilka daga Kalbeedka Afrika.

Xaqiiqonews.com-

qof ayaa u dhawaanaya canugga, ka dibna wuu qabanayaa isagoo kaalmo ka helaayo qof kale, waxaana wajiga canugga lagu jeexjeexayaa afka maqas ama sikiin, xitaa mararka qaarkood jeex dhalo ah ayaa loo isticmaalayaa ficilkan aadka u xanuunka badan.

Sida ay baahisay shabakadda Daily Mail, islmarkaana ay soo tarjuntay Xaqiiqonews caruurta wajiyadooda waxaa ka da,aya Dhiig waana runtii muuqaal aad u xanuun badan, hase ahaate dadka falkani sameynaya waxa ay u arkaan “Faan” iyo in ay ku abtirsadaan qabiilkooda, marmarka  qaar arintani waxa ay u arkaan “Is qurxin”

Arintani kuma ega foolxumeynta wajigga oo kaliya, waxaa dhacda in arintani lagu baahiyo madaxa ilaa qeybaha jirka oo dhan, waxaa laga yaabaa in canug sideed jir ah aad wajikiisa ku aragto caadadan, waxaa ka sii daran in foolxumeyntani lagu arko wajiyada caruur uusan u buuxsamin todobaadkii koowaad ee noolashooda.

Hadda Waxaa jira xunbo ka tirsan qabiilka  Betamapit oo  caadadan diiday iyagoo u arka mid dhibaateyneysa caruurtooda, balse wili waxaa jira kuwa badan oo  fuliya caadadan boqolaalka sano jirta, iyagoo u arka diin iyo in ay sii adkeyneyso ku abtirsashadooda qabiilka  Betamapit.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada