Soomaali Miyaa Itoobiya U Baahan Mise Itoobiya Ayaa Soomaali U Baahan?

La Wadaag Asxaabtaada

Mar kasta uu sii baaho dagaalka Itoobiya, waxaa sara u kaceysa muhiimadda ay leedahay in aan su’aalo iska weydiino :Soomaali Galbeed, su’aasha maanta taagan waxa ay tahay: Soomaali Miyaa Loo baahan yahay mise Iyaga Ayaa Itoobiya u baahan?


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

Warka: Gudaha Itoobiya, maamul-qowmiyeedyada ayaa bilaabay in ay hubeeyaan dadka shacabka ah, dagaalka ayaana ku baahay meelo kale, wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Canfarta ayaa dagaal ku qaatay Soomaalida.

Dhammaadkiisa: Waxa ka socda Itoobiya kaliya ma ahan “dagaal” waxaa dhacaya waa taariikh, qolo walbana sidii ay u waajahdo ayey ugu soo muuqan doontaa taariikhda qormeysa.

Waxaa ka socda Itoobiya ma ahan “dagaal” ,waxaa dhacaya waa burburka mid ka mid ah dalalkii ugu weynaa taariikhda casriga ah ee Afrika, kaasi oo ku burburaya gacmaha qowmiyadaha Tigreega iyo Amxaarada.

Waxa ka socda Itoobiya ma ahan kaliya “Dagaal” ,waxaa dhacaya waa fursaddii ugu horeysay oo Soomaali galbeed soo marta tan iyo dagaalkii 1977-kii, fursadaasi oo hadba loogaa faa’idi doono qaabkii loo maalgeliyo.

Labo Daran Mid Dooro

Soomaali Galbeed, hadii ay doonayaan in aysan sii noqon Soomaalida hadda ay yihiin- waxaan ula jeedaa (Soomaali la iska maamusho), waa in ay qaataan labo midkood, Gooni isku taag mise kor isku taag.

Gooni isku taag: Sida ku xusan bogga Wikipedia, Itoobiya waxaa ka jira ugu yaraan 5 dhaqdhaqaaq oo gooni u goosad ah, ururka Canfarta(ALF), Ogadeen ama Somaali Galbeed, gobolka Oramiya, dhaqdhaqaaqa Sidama iyo waliba gooni u goosadka Tigreyga.

Shakhsiyan waxaan aaminsanahay in waqtigan la joogo ay tahay waqtigii Ugu habbooneyd ee Soomaali Galbeed ay ka dhabeyn lahaayeen riyadoodi soo jireenka aheyd, dabcan waan ogahay caqabadaha ku hareereysan, laaakin isbadalka loo baahan yahay midba kan kale ayuu ka daran yahay.

Kor isku taag: Dad badan ayaa ku doodaya in isku jabka Tigreyga iyo Amxaarada uu yahay fursad ay Soomaalida iyo Oramada dhulka uga soo kici karaan.

Dadka doodaadi aaminsan waxa ay leeyihiin: Soomaalida ma ahan in ay ka caraaraan Itoobiya oo ku sugan xilligii ay iyaga u baahneyd, madaama ay Itoobiya ka soo qeyb qaateen xilli iyaga un loo baahnaa oo laga faa’idi jiray.

Sidoo Kale Aqri: Maxaadan Ogeyn Oo Ku Soo Kodhay Dagaalka Itoobiya?

Fikir ahaan aniga waxaan dhihi Lahaa dadkaasi waan idinku raacsanahay Soomaalida iyaga ayaa loo baahan yahay ciidankooda, maskaxdooda iyo dhaqaalahhooda iyo ugu yaraan xitaa shidaalkooda.

Hase ahaatee dadka sidaasi u fikiraya waa in ay xisaabta ku darsadaan in baahida loo qabo Soomaalia ay tahay “mid waqtiyeysan”, taasi oo daqiiqad waliba is badali karta.

Soomaalida waxa ay tiraahdaa “Meel aadan ku hurdeynin laguma gam’o” Sidaa darteed waxaan xoojinayaa fikirka dhahaya Soomali Galbeed ha isku tashato, Itoobiyana ha ka tashato.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada